Sunday, April 02, 2006

Shirgudoonka Golaha Wakiilada Oo Dib U Dhigay Jawaabta Xukuumada Ee Ku Wajahan Warsaxaafadeedkii Wasiirka Warfaafinta

Hargeysa(Somalilandtoday)April.1.2006. Shirgudoonka golaha wakiilada ayaa ilaa beri dib subax dib u dhigay jawaab ay maanta ka bixin lahaayeen warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirka warfaafinta oo uu ku dadafeeyay qaraar ka soo baxay maalintii arbacadii ee todobaadkii hore golaha wakiilada.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada ahna ku simaha gudoomiyaha golaha Mudane C/casiis Maxamed Samaale ayaa u sheegay weriyayaasha inay dib u dhigeen shirkii jaraa’id ilaa berito 10-ka saac ee subaxnimo,wax faahfaahin ah kama bixin sababta ay dib ugu dhigeen shirkaa Jaraa’id ee la filayey inay maanta qabtaan. Hase yeeshee waxay warar xogogaala oo ku dhowdhow shirgudoonka iyo xukuumada ay sheegayaan inay socoto waanwaan ergadoodu ka timi dhinaca Madaxtooyada iyadoo wararkaasi sheegayaan in M/weyne Riyaale ka codsaday shirgudoonka golaha wakiilada inay hakiyaan jawaabta warsaxaafadeedkii ay xukuumadu ka soo saartay khamiistii todobaadkii hore goaan golaha wakiilada ka soo baxay,waanwaan iyo wada hadalna lagu soo dabaalo khilaafka ka dhashay warsaxaafadeedkii uu soo saaray wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale.

Wararka u dhuun daloola ergada ka timi M/weynaha waxay sheegayaan in M/weyne Riyaale uu sheegay inaanu isagu waxba ka ogeyn jawaabta wasiirka wasiirka warfaafintu ka bixiyay go’aanka golaha wakiilada,isla markaana uu ka bixin doono raali gelin. Dhinaca kale waxaa ilaa saaka ku soo noqnoqonayay xarunta golaha wakiilada xubno wasiiro ah oo ay weheliyeen Mudanayaal muxaafida,kuwaasoo shirgudoonka la yeelanayay kulamo gaagaaban ,isla mar ahaantaana la filayay inay fariimo uga keenayeen dhinaca Madaxtooyada shirgudoonka.

Mooshin golaha wakiiladu ku Ansixiyeen cod Aqlabiyad ah ayaa wasiirka warfaafintu C/laahi Dhoola-yare waxa uu ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin xukuumaduna aanay fulin doonin,taasoo lagu tilmaamay bilowgii isku dhicii ugu horeeyay ee golaha cusub ee wakiilada la soo doortay iyo xukuumada M/weyne Riyaale.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today Corresponden

tHargeisa, Somaliland.

No comments: