Saturday, April 08, 2006

GUDDOOMIYAHA KULMIYE MD. AHMED SIILAANYO OO DIIDAY INUU SALAANTA KA QAADO WASIIRKA WARFAAFINTA

Hargeisa ( Somaliland Future ) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, ayaa diiday inuu salaanta ka qaado Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. C/laahi Mohamed Ducaale, ka dib markii ay labada Masuul ka soo wada qayb-galeen munaasibadii Sanad guuradii 25 ee aasaaskii SNM, taas ka dhacday Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Magaalada Hargeisa.

Intii aanay bilaabmin munaasibadu ayaa Md. Ahmed Siilaanyo waxa goobta uga soo horeeyey badiba mas’uuliyiinta ka soo qayb-galay Sanad guuradda 25 aad ee Aasaaskii Ururkii SNM, Guddoomiye Ahmed Siilaanyo, ayaa markii uu soo galay Fagaaraha waxa u dhacay sacab iyo soo dhaweyn diiran ay Dadkii ku sugnaa Beerta Xoriyadu ku qaabileen Md. Ahmed Siilaanyo, qaar badan oo isugu jira Mas-uuliyiin kala duwan iyo Wasiiro ayaa soo dhaweyntiisa la qaybsaday Dadweynihii kale, isla markaana intay istaageen ayey salaameen oo uu Gacan qaaday.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Warfaafintu waxa uu u muuqday mid keligii kursigiisa ku xasilay oo aan haba yaraatee waxba ku darsan Xamaasadaas. laakiin markii dembe waxay isweydiintu tahay maxaa dhacay?


Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Wasiirka Warfaafinta waxa u dhexeeyey markii ay goobtaas fadhiyeen Wasiiru Dawlaha arrimaha Dibada, qisadii dhexmartay labada mas’uulna waxa ay u dhacday sidan:-

Wasiirka Ayaa yidhi “Salaamu Calaykum Adeer”,

Siilaanyo ayaa ugu jawaabay “Adeer kaama qaadayo kumana Salaamayo”,

Wasiirka ayaa haddana yidhi “Adeer Salaantu waa Waajib ee iga qaad”,

Siilaanyo ayaa haddana ugu jawaabay, “Cayduna waa Waajib”.

Markii intaas la is weydaarsaday ayay dad badani soo urureen, kuwaas oo guddoomiyaha KULMIYE Md. Siilaanyo ka codsaday inuu salaanta qaado maadaama ay waajib tahay, “Axmedoow Salaantu waa Waajib ee ka qaad” Sidaas waxa yidhi Wiil magaciisa la yidhaahdo Maxamed Axmed Cabdi Nuur oo madasha joogay. Waxaa mid kale yiri alleyle waa in uu Wasiirkuna joojiyaa falagaadada. Hase yeeshe waxa la kala dareeray iyada oo aan Salaantii la iska qaadin.

Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa inta badan waxa lagu tilmaamaa nin mar walba heegan u ah u jawaabista Mucaaradka, waxaana ugu dambeeyay oo uu si kulul u naqdiyay go’aankii Baarlamaanku ka gaadheen Qaddiyadii Marwo Aamina-Weris [Xaaska hoggaamiyaha KULMIYE] iyo hay’adda CARE, isaga oo Wasiirku sheegay inaanay xukuumadu marnaba ku dhaqmayn go’aankaas.

Somaliland Future Online Hargeysa

No comments: