Sunday, April 16, 2006

INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

Anigoo ku hadlaaya magaca jaaliyadda Somaliland ee Wales, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelka, isirka, qaraabada, xigtada kale, uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Cabdiqaadir Muuse Guuraaye oo shallay Sabti 15/04/06 ku geeriyooday Hargeysa.

Abdiqaadir oo ahaa Taliyihii Boliska ee Hore, waxaa lagu yaqaanay cadaalad jecayl, iyo u hiilinta xaqa, isagoo taasi u keentay inuu xabsi dheer ku rido taliskii askariga ahaa ee Inna Barre.

Waxaan Illaahay uga baryayaa dambi dhaaf iyo naxariis, iyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla jannatul- fardoos.Aamiin.



Axmed Carwo
Guddoomiyaha
Jaaliyadda Somaliland ee Wales,
Cardiff

ahmed_arwo@yahoo.co.uk

No comments: