Monday, April 17, 2006

Xukuumadda Somaliland Oo Amartay Inay CID-du Baadho Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi

Xukuumadda Somaliland Oo Amartay Inay CID-du Baadho Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi.


“Ma Ogi Waxay Igu Haystaan, Dambi Aan Galay Iyo Cid Aanu Is-Haysanana Ma Garanayo, Haddayse Dambi Igu Soo Oogayaan Maxkamad Baynu Leenahay’e Hala Iga Soo Dacweeyo”Hargeysa, April 17, 2006 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa amar ku bixisay inay qaybta dambi baadhista bileyska ee CID-du baadho Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah aas-aasayaashii SNM, isla markaana ahaan jiray wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland.

ida uu Haatuf u xaqiijiyey Maxamed Xaashi, laba nin oo dhar cad ah ayaa shalay u keenay warqad ay ku qorantahay waxa lagaa doonayaa qaybta dambi baadhista ee CID-da, isaga oo markaasi ku sugnaa kaalinta Cajab ee magaalada Hargeysa, Maxamed Xaashi isaga oo sharaxaya arrintaasi waxa uu yidhi. “iyada oo markaasi loo diyaar garoobayo salaadii Maqrib ayaa laba nin oo dhar cad ah oo aan lebisnayni waxa ay iigu yimaadeen kaalinta Cajab, waxaanay igu yidhaahdeen noo soo yara kac, waanan u soo kacay, waxaanay ii dhiibeen warqad uu ku saxeexan yahay taliyaha qaybta dambi baadhista bileyska ee CID-du, Saleebaan Muuse Xasan, labadan nin may sidan wax aqoonsi ah, waxaanay igu yidhaahdeen noo saxeex warqad koobi ahayd oo ay siteena waan u saxeexay. Markii aan weydiiyey cida I doonaysa, waxa ay igu yidhaahdeen warqada ka akhriso”.

Maxamed waxa uu intaa ku daray “Haddii dambi la igu haysto waa in maxkamada la iiga yeedhaa, laakiin maaha in warqad suuqa la iigu keeno ama marba xafiis baa lagaa doonayaa la yidhaahdo oo sharaftayda meel lagaga dhaco, waxaasi waa waxaanu ka dagaalanay 25 sannadood ka hor, haddii kiis jiro maxkamada hala I geeyo, iyada oo la raacayo dastuurka iyo qaynuunka dalka u yaala, laakiin xaq la iiguma laha in shuqul faqash maanta la iila yimaado”.Maxamed oo la weydiiyey waxa uu u malayn karo loogu yeedhay waxa uu yidhi. “ma ogi waxa ay igu haystaan, dambi aan galay iyo cid aanu is-haysanana ma garanayo, haddayse dambi igu soo oogayaan maxkamad baynu leenahay’e hala iga soo dacweeyo, oo maxkamadu ha ii yeedho, oo aan halkaasi iska difaaco”.

Lama oga ujeedada loogu yeedhay Maxamed Xaashi, waxayse warar xog-ogaal ahi sheegeen inay arrintani ka dambayso Xeer Ilaalinta Qaranku, taasi oo ay xukuumaddu ka codsatay in Maxamed Xaashi la baadho, ka dibna uu Xeer Ilaaliyaha guud ciidanka baadhista dambiyada ee CID-da ku amray inay u yeedhaan Maxamed Xaashi. Hase yeeshee weli lama oga sababta rasmiga ah ee ay xukuumaddu uga dan leedahay baadhitaankan.

Balse waxa loo malaynayaa inay la xidhiidho maqaaal ku soo baxay Wargeyska Haatuf maalintii Jimcihii, oo uu qoray Maxamed Xaashi, kaasi oo cinwaankiisu ahaa “Miisaaniyadda 2006 ma ansaxsana, codka loo qaadayna waa qayrul-Dastuuri”.

Sidoo kale Taliyaha CID-da Saleebaan Muuse Xasan wuxuu maalintii doraad warqad yeedhis u soo diray xafiiska Haatuf Media Network, taas oo uu gudoomiyaha Haatuf iyo tifaftiraha Wargeyska Haatuf kaga dalbanayo inay yimaadaan xarunta CID-da maalintii shalay.Warqada yeedhista ah kumay qornayn sababta uu taliyuhu u doonayo labada masuul ee Haatuf, hase yeeshee waxa la aaminsan yahay inuu doonayey inuu wax ka weydiiyo war Wargeyska Haatuf ku soo baxay maalintii Jimcihii, oo cinwaankiisu ahaa “Hogaamiyaha Ciidamada Al-Itixaad oo todobaadkii hore ka noqday booqasho uu ku yimid Somaliland”.“Waxaan CID-da u geeyey nuqulka xeerkii Saxaafadda ee Golayaashu ansixiyeen 2004, madaxweynuhuna saxeexay, taliyaha CID-dana waxaan u dhaafay fariin aan ugu sheegayo in haddii ay eedayni jirto amaba ay kiis tahay in wax laga qoro argagixisada uu dacwad maxkamadda ka furto, sida uu dhigayo xeerka Saxaafadu”. Sidaa waxa yidhi gudoomiyaha Haatuf, Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo aanu wax ka weydiinay sababta CID-du ugu yeedhay iyo waxa ay is-yidhaahdeen mar uu shalay tegay xafiiska CID-da.

Mr. Gaboobe wuxuu intaa ku daray “Anigu ma garanayo inta dambiyo ka jira dalka ee u baahan in ninkan CID-da xukumaa uu wax ka qabto, sababta uu ugu soo meeraysanayo Haatuf”.Waraaqaha yeedhista ah ee taliyaha CID-da Saleebaan Muuse Xasan uu bilaabay inuu u kala diro dadka qaar waxay u muuqdaan kuwo laga soo amrayo meel sare, oo looga dan leeyahay in lagu cabudhiyo saxaafadda xorta ah, isla markaana lagu cabsi geliyo ashkhaasta sida adag u dhaliila xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo muddooyinkan dambe ay hadheeyeen fadeexado maamul xumo ah oo is-daba joog ah iyo musuq maasuq baahay.

No comments: