Saturday, April 22, 2006

Ismaaciil mindhaa Somaliland waa ku lugoyseye , London iyo shaqadaadii hore ayay dantu ku jirtaa.

Ka dib markay indhahaygu ku dhaceen maqaalo kala duwan oo lagu shaaciyey warbaahinta kala duwan ee Reer Somaliland iyo Somali nuxurkooduna ahaa weedho ka soo yeedhay wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland Ismaciil Aadan Cismaan

Hadaladaa Ismaaciil waxay I xasuusiyeen mar ay Burco Dagaal sokeeye oo xun uu ka dhacay , Somaliland oo markaa uu Madaxweyne Ka ahaa Marxuunkii Ala haw naxariistee Maxamed Ibrahin Cigaal ay dawladiisii maaro u weyday in ay gobolka nabad ku soo dabaasho, ka dib waxaa u kacay gobolka Salaadiinta Reer Togdheer oo aan u kula hadhin iyo Culumaawadiinta magaalada Burco, waxaa nasiibwanaag ah, taariikhdii dheerayd ee ay soo mareen Salaadiinta Reer togdheer iyo waxay hadba tuulo u hoydaan ,aan idin xasuusiyo shirarkii ka dhacay gaashaamo, Duruqsi, kii Beer iyo Burco oo lagu soo gabagabeeyey nabada, ayaa hadana nabadeyntii waxay u talowday caasimada Hargeysa iyo guud ahaanba somaliland, waxaan aqristow ku xasuusinayaa markii nabadii laysla mari waayey, ayaa waxaa dhacday wadaad reer Burco ahi in ay ilmadii indhihiisa ka is taagi weyday, waxaa hadaladiisii ka mid ahaa dadkanii waa hadhaagii kasoo hadhay xasuuqii dawladii dhacday, war Rabbi baan idinku dhaariyeye ha laga daayo qaxa , iyo silica, gaajada , iyo darxumada, murtidaasi waxay ka ,mid ahaayeen hadaladii wanaaga badnaa ee Culumadu ku soo dabaaleen nabada maanta Sida yar Ismaaciil yare madaxda uga noqday, hadana uu iyagii ugu dhaaranayo. Waa ayaan daro sideeda u taal.

Waxaa nasiib daro ah, in aan taariikhda laga faa,iideysan, waxaa naxdin leh hadalada aan laga fiirsaneyn ee lagelinayo iidacadaha, keeni kara dhibaato aafo ah , hadii uu taliyaha booliska Burco waa Axmed Maxamed Guutaale uu ogyahay muwaadiniin ku xadgudbaya sharciga cidna kuma diidayso in uu wax ka qabto maadaama loo igmaday sugida magaalada, laakiin waa ayaan daro in aad culumada Burco afkaaga ku camamtin, waana ayaan daro in aad fadeexad aan magaaladaadu lahayn aad la doonatid.

Waxaa sidoo kale ah arin mageydo ah, hadalada uu Ismaaciil yare Burco ku sheegay oo aan ahayn markii 1aad,2aad amaba 3aad.

Waxaa xasuus leh dhacdadii dhoqoshey ee lagu qabtay nimankii qalalaasaha geystay, iyada sidii reer togdheer iyo culumadoodu u soo qabteen, Weynagii ogayn hadaladii is dhaafdhaafsanaa ee ismaaciil uu ku tilmaabay, in ay beel kamid ah beelaha Burco ka danbeysay argagaxisnimada, ama Xisbi , xisbiyada qaranka ah, maantana uu leeyahay burco wadaado rabshoolyaal ayaa ku nool, waxaan odhan lahaa, WAAR ISMAACIIL MIYAANU AHAYN WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA EE S/LAND OO BURCO IYO SHICIBKEEDUBA AANU ISAGU XUKUMIN.

ISLAMRKAANA AAN WASAARADIISA AANEY KA MASUUL XILNA KA SAARNEYN ILAALINTEEDA , MALAHA ISMAACIIL SOMALILAND WAY KU LU GOYSAYE WAXAANAD GARANEYN BEY KUU DHIIBEENE, INAADEER NOO SOO NOQO OO KAALAY LONDON SHAQADAADII HORE AYAAD LA GARANEYSAAYE.

Aniga oo aan jeclayn marnaba in aan Madaxda wax ka sheego hadana waxaan xasuustay maahmaadii Soomaaliyeed, ee odhan jirtay WAANO DHALAN BAA KA ADAG, markaa mar hadii Ismaaciil Aadan Cismaan aanu noo bedelmay oo uu noqday wasiirku noogu qalafsanaa inta Somaliland jirtay, aynu u ducayno in uu u fiirsado waxa carabkiisa ka soo baxaya, horaa loo yidhi Doqonbaa tidhi maxaa laygaga reyn, beriba waa lumiye. Markaa weligeed ma sixid baa wasiirka lala daba socon.

Ismaacilow Umadan ku aamintay ee walaalaha ah inaad dab ka dhex oogto oo ukala saarto, wadaad iyo waranle, bari iyo galbeed maaha taanu kaa sugeynay ee waxaanu is lahayn maadaama uu Europe mudo ku noolaa fahmayna horumarka aduunku gaadhay , waxbuu dalkiisa ku kordhin , se waxaad noqotay Muuse Yalaxowga Soomaaliland.

Waxaase maanta mahad leh Illaahayga waafajiyey Dawlada Soomaaliland in ay kugu daafeedisay makrigaagi, waxaana sharaf iyo mudnaan leh Cabdi idiris Ducaale oo dhegahayaya ku riday wax ay ku raaxeystaan, oo ahaa in dawlada Somaliland shacbigeedu u siman yahay, qof aan denbiile ahayna aan denbi la saareyn.

Waxaan kaloo doonaya in aan xuso Muwaadin Maxamed Xaashi oo la leeyahay CID baa mujaahidkii taariikhdiisa iyo waxqabadkiisa aynu wada ogayn orankarnona waxa uuba xaq u lahaa in Iskuulada Somaliland qaar loogu magac daro, waxana uu ku caanbahay daacad iyo karti , MA MAXAMED XAASHI BAA MAANTA NOLOSHIISA KA WERWERA. TAA KAGA QUUSO MUWAADANIMO IYO SHARAF. WAXAAN LEEYAHAY REER SOMALILAND ILLAAHAY HA IDIN TUSO IN AAD TAARIIKHDA QIIMAYSAAN OO NINWALBA MAKAANKIISA DHIGTAAN.

MAXAMEDOW WAXAAD OGAATAA WANAAG ISMA QARIYO, TAARIIKHDUNA MAALIN BEY LEEDAHAY. GUDOOMIYE AXMED MAXAMED SIILAANYO IYO ADIGA OO AH MAXAMED XAASHI RUNTII SOMALILAND SIDAA UGU LISTEEN IIDINKUMAY HANBEYN LAAKIIN ANIGA IYO INTA ILA FIKRADA AHBA WAANU IDIIN OGNAHAY.

Waxaan ku soo gunaanadi lahaa aqristow ila wadaag dareenkayga ah, waxaan doonaya in caruurta Somaliland ay inaga dhaxlaan dal horumar leh, si kastaba u dhisan , lagu texgeliyo shareecada islaamka, dhaqan adag, qiimeeya biniaadminida, deriswanaag leh, waxbarashada loo soo doonto, hadaad ila dooneyso kaa aan doonayo, qabiil qiimo maleh ee aynu runta , iyo xaqa abaarno, waxaan ku weydiiyey aqristow, ISMAACIIL DAL MA LAGU AAMINI KARAA? Haday jawaabtaadu tahay MAYA WAA TAAN QABEE , MAXUU RIYAALE KU JECLAYSTAY NINKAN? MUXUUSE KU DIIDAY MAXAMED XAASHI.

WAXAAN MAQLI JIRAY RUQEY NINKII LAHAA DABADA HAYO MA KACDO.

DALKAN DADKIISII BAA GABAY OO CADAALADA KA TEGEY.

WAXAAD MOODAA IN CAGSIGA LOO SHAQENAYO OO KA WANAAGSAN LA FOGEYNAYO.

BALNINKII RIYAALE DOORTAYOW, MAANTABA KA SHEEKEE 3YEARS SOCDEEN. HALKAYNU TAAGANAHAYNA WAAD ARAGTAAN.


Alleh waxaan idiin weydiinaya Raxmad iyo Nabad aad ku waartaan.
Iyo xaqa oo alle ina waafajiyo dhamaan umada Somaliland.


Qalinkii Maxamuud Raage Ibrahim

University Central of England, Birmingham

Email. Huluula@yahoo.Dk

No comments: