Sunday, April 02, 2006

MADAXWEYNE RAYAALE IYO WEFTI UU HOGGAAMINAYO OO SAAKA U BAQOOLAY DALKA YEMEN

Har(HRG)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Sanca ee xarunta wadanka Yemen halkaas oo ay uga bilaabantay booqasho laba Maalmood ahi.

Madaxweyne Rayaale oo qolka martida ee Madaarka Hargeysa Saxaafadda kula hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha Yemen ka helay martiqaad rasmi ah waxaanu yidhi, “Horta Saaka waxaan tagayaa Yemen oo runtii ah dad aynu jaar nahay oo xidhiidh badan oo dhaqan inaga dhexeeyay islamarkaana ah dad aynaan kala maarmi Karin. Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa martiqaad ii fidiyay, ujeedada ugu weyn ee aan u tagayaana waxay tahay xidhidhka jaarnimo ee ganacsi iyo arrimo nabadgelyada ku saabsan, waxaanu safarkaygu qaadanayaa laba Maalmood.”

Madaxweyne Rayaale oo la weydiiyay bal inay Madaxweyne Cali Cabdalla isla soo qaadi doonaan arrimaha Soomaalida oo uu aad ugu mashquulsanaa sannadkii u dambeeyay waxa uu yidhi, “Horta arrimaha Soomaalida isaga oo keliyi kuma jiro ee Carab iyo adduunka oo dhami way ku jiraan Cali Cabdalla Saalaxna kuwaas ayuu ka mid yahay laakiin anigu waxaan kala hadlayaa wixii Somaliland iyo Yemen dhex maraya.”

Mar la weydiiyay bal inuu kala hadli doono arrimaha Xoolaha Somaliland waxa uu yidhi, “Xoolaha, dhaqaalaha iyo kalluumaysiga badda in wixii ay inooga baahanyihiin sifo sharci ah aan uga wada hadalno, Nabadgelyada badda oo inaga dhaxaysa oo mid waajiba ah waanu ka wada hadlaynaa iyo wixii kale oo haddii ay wax ina tari karaana waan weydiisanaynaa”
Madaxweynaha oo la weydiiyay bal fikirkiisa ku waajahan qaddiyadad shaqo ka joojinta Marwo Aamina-weris waxa uu yidhi, “Horta diidmadaas annagu xukumad ahaan wax aanu diidnay imikana leenahay hala diido ma jirto run ahaantii, laakiin waxaad ogtahay labadayada gole [Xukuumadda iyo Wakiilada] xoogaa kelmado ayaanu isku tuur-tuurnay ujeedadeeduna waxay ahayd shaqada aan kala leenahay aan kala marno laakiin ceeb kala oo aan u jeednay ma jirto. Waxaan leeyahay taas[Jawaabtii Wasiirka Warfaafinta ee go’aankii Golaha Wakilada] haddii ay goluhu si kale u turjunteen raali haka ahaadaan, waayo labada gole way wada shaqayn doonaan masuuliyad qaran ayaa na wada saaran marna khilaaf ku wada shaqayn mayno ee wax kasta waanu ka heshin doonaa shirgudoonkana waanu iska aragnay, Inshaalaahu arrimahayaguna xagga fiican ayay u socon doonaan, iyada[Aamina-Weris] iyo muwaadiniinta kale xaqa ay leeyihiin cidi isma hortaagi doonto.’

Madaxweynaha oo la weydiiyay bal in safarkiisan Yemen salka ku hayo safar uu toddobaadkii hore Sanca ku tagay Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse waxa uu yidhi, “Madaxweynaha Somaliland aniga oo ah ayaanu Cali Cabdalla Saalax wada hadalnay iskumana dafirsanin dadkana khasab kuma lihin inay ina ictiraafaan laakiin waxa mar kasta inoo taala inaan danaheena ka hadalno.”
Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu dawladda Yemen kala hadli doono Doonyo Somaliland qabatay dhawaan oo Yemen laga leeyahay kuwaas oo si sharci darro ah uga kallumaysanayay badda Somaliland waxa uu ku jawaabay, “Horta Cafis ayaan doonyahaas u fidiyay li xusni niya..si aan niyad wanaagsan ugu muujiyo oo jaarnimadeena u hagaajisano awalna waan u fidin jirnay oo iyaga oo aan ina weydiisan ayaan iska fasixi jirnay mana aha markii u horaysay ee aan qabano marar hore oo aan qabanayna way jiraan.”

Madaxweynaha oo la weydiiyay bal hadda inuu Cali Cabdalla Saalax kala hadli doono inuu joojiyo hub lagu eedeeyo inuu siiyo Cabdillaahi Yuusuf si uu u wiiqo awooda hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya waxa uu yidhi, “Horta anigu faaladaas geli mayo taasna adigaan kuu daynayaa laakin wixii danaheena inaga ku saabsan iyo wixii nabadgelyadeena ku saabsan ee aan nabadgelyadeena waxba u dhimayn kolay waan kala hadli doonaa.”

Mar Madaxweyne Rayaale la weydiiyay bal hadda waxa uu ka odhanayo Weerarada Maamul goboleedka Puntland maalmihii u dambeeyay ku soo qaadayay deegaano Somaliland ah oo uu dagaalna dhex maray beelo reer Somaliland ah oo bariga Sanaag degen waxa uu yidhi, “Dee inaguna waynu joognaa meesha oo kama maqnin.”

Madaxweyne Rayaale oo ay safarkiisa ku weheliyaan Wasiirada Ganacsiga Md. Nuux Sheekh, Kaluumaysiga Md. Maxamuud Maxamed Faarax (Oday), Xanaanada Xoolaha Dr. Idiris, xubno ka socda Rugta Ganacsiga, Md. Rashiid Xaaji Cabdillaahi oo ah shakhsi madaxbanaan balse Wasiirka ganacsiga ka soo qabtay xukuumadihii hore iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo

Jamhuuriya Online

No comments: