Sunday, April 16, 2006

Madaxweyne Rayaale Oo Ku Adkaystay Mawqifkiisii Hore Ee Ay Xukuumaddu Ugu Diidanayd Aamina-Weris Shaqada Ay Ka Heshay Care

Waxa Dib U Soo Laabtay Ninkii Baarlamaanku Go’aamiyey In Dalka Laga Saaro
Hargeysa, April 14, 2006 (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku adkaystay mawqifkiisii hore ee xukuumadiisu ku diidanayd in Marwo Aamina-Weris Sheekh Maxamed qabato shaqo ay u qaadatay hay’adda Care International bishii February, 2006, taasi oo ay tartan ku heshay, balse ay hay’adda Care kala noqotay ka dib markii uu culays kaga yimid dhinaca wasiirka Qorshaynta Axmed X. Daahir iyo Agaasimaha guud ee waaxda shaqada ee wasaaradda caafimaadka iyo Shaqada Xasan Aadan Qalinle.

Arrintan oo saamayn weyn ku yeelatay ra’yul caamka Somaliland gudo iyo debadba waxa 29/93/2006 go’aan ka soo saaray golaha wakiilada, iyaga oo xukuumadda ka dalbaday in ay xukuumaddu ka hawlgasho sidii ay Aamina-Weris u heli lahayd shaqadii ay ku guulaysatay, isla markaana in dalka laga saaro Tim Mula oo ah muwaadin reer Kenya oo ay hay’adda Care u magacawday shaqadii loo diiday Aamina Weris.

Sida ay sheegayaan warar ku dhaw dhaw hogaanka golaha wakiilada, Madaxweyne Rayaale ayaa si toos ah u diiday in xukuumadiisu ay ka hawlgasho sidii ay Aamina Weris u heli lahayd shaqadii loo aanaynayey inay xukuumaddu iska hortaagtay, waxaanu sidaas ka cadeeyey kulan ay habeen hore wada yeesheen isaga iyo ku simaha Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/Casiis Samaale iyo ku xigeenkiisa Baashe Faarax, kuwaas oo sida la sheegay madaxweynaha ugu tegay inuu fuliyo balan ay hore u kala dhigteen oo ahaa inay xukuumadu warqad u qorto hay’adda Care, taasi oo ay ugu sheegayso in aanay waxba ka qabin qabashada Aamina Weris ee shaqada ka banaanaatay hay’adooda.

Hase yeeshee warar ka soo baxay kulankaasi waxa ay sheegayaan in madaxweynuhu sheegay in aanay haboonayn inuu arrintaa faraha la galo.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in xubnaha shirgudoonku ay madaxweynaha kala hadleen sida ay iyaga iyo madaxweynuhu u wada shaqaynayaan mustaqbalka, hase yeeshee waxa la sheegay in madaxweynuhu ku wada gacan saydhay waxyaabihii ay ula tageen oo dhan, ka dibna kulankaas oo la isku mari waayey oo uu ku dhaamaday jewi natiijo la’aan ah.

Madaxweynaha iyo xubnaha shirgudoonka ayaa kulankoodii kan ka horeeyey oo dhacay 01/04/2006, waxa la sheegay inuu madaxweynuhu golaha raali gelin ka siiyey warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirkiisa warfaafinta C/laahi Maxamed oo uu wasiirku ku sheegay in aanay xukuumad ahaan tixgelin doonin go’aankii golaha wakiiladu ka soo saareen arrinta Aamina Weris, hase yeeshee wararkii kulanka xilligaa ka soo baxay waxa la sheegay inay labada dhinac isla garteen in xukuumaddu warqad u qorto hay’ada Care.

Dhinaca kale, waxa dalka ku soo laabtay Tim Mula oo ahaa ninkii ay golaha wakiiladu go’aamiyeen in dalka laga saaro.

No comments: