Saturday, April 15, 2006

Madaxweyne Riyaale Oo Beri U Amba-baxi Doona Magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Dalka Itoobiya

Hargeysa, April 14, 2006 (Somaliland Today)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Itoobiya. Riyaale Kaahin ayaa la filayaa inuu u amba-baxo beri magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka.

nkasta oo aan warkan si rasmiya weli daboolka looga qaadin balse waxay ilo ku dhowdhow madaxtooyadu xaqiijiyeen inuu M/weyne Riyaale u amba-bixi doono maalinta beri ah magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, isla markaana lama sheegin cida ku wehilin doonta safarka M/weynaha Balse waxa madaxweynuhu kula kulmi doonaa Addis Ababa Wasiirka Warfaafinta, Cabdillaahi Maxamad Ducaale, oo aan ujeedada socdaalkiisa ee uu waddanka kaga baxay aan war sugan laga hayn. Waxay warar xog ogaali tibaaxeen in M/weyne Riyaale raaci doono maalinta beri ah diyaarad ay leedahay shirkada diyaarada ee Itoobiya.

Socdaalka M/weyne Riyaale oo aan hore loo sii sheegin waxay warar qaar sheegayaan in uu uga sii gudbi doono illaa wadanka Jarmalka, halkaas oo la sheegay inuu dabayaaqada bishan April ku leeyahay balan hore uu ula galay dhakhtar dhinaca ilkaha ah sida uu M/weyne Riyaale isagu horaantii sanadkan mar uu socdaal dhinaca caafimaadka ku tagey dalka Jarmalka sheegay.

Hase yeeshee waxay wararka qaar sheegayaan in M/weyne Riyaale magaalada Addis Ababa kula kulmi doono madaxda ururka Midowga Afrika si uu uga dhaadhiciyo qadiyada madax banaanida Somaliland, waxayna wararku intaa ku darayaan in socdalka M/weynaha ay ka dambeysay marti qaad uu ka helay guddi xaqiiqo raadis ah oo midowga Afrika ka socday oo sanadkii hore booqasho ku yimi Somaliland.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today Correspondent

Hargeisa, Somaliland.

No comments: