Thursday, April 20, 2006

Xassan Abshir oo $120,000 laaluush ah ka qaatay maraakiib Kuuriyaan

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa dhagaheena ku batay Maraakiib laga leeyahaya waddamo shisheeye oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya. Maraakiibtan lagu qabsaday xeebaha Soomaaliyeed oo badankood laga lahaa dalalka Koofur Bari Aasiya ayaa ahaa kuwo ka kaluumeysta xeebaha Soomaaliya.

Maraakiibta la afduubtay waxaa ugu dambeeyay markab laga leeyahay Koofurta Kuuriya, kaas oo aan ilaa iyo hada sii deyntiisa xal laga gaarin. Shirkadda iska leh markabkan ugu dambeeyay ayaa sheegtay in markabka la qabsaday iyo maraakiib kale oo ay shirkaddu leedahay ay si sharci ah uga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya, kadib markii ay shirkaddu heshiis la gashay, shattina ka qaadatay Wasaarada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.Mas'uul u hadlay shirkada Koofurta Kuuriya ayaa sheegay in shirkadiisu heshiis kula gashay Xassan Abshir Faarax, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, in lacag dhan $4500 (Afar Kun iyo Shan Boqol Doolarka Mareykanka) bil kasta la siiyo Wasiirka, isla markaana ay maraakiibta shirkadda oo tiradooda lagu qiyaasay 25 markab, ruqsad u haystaan in ay ka kaluumeystaan xeebta Soomaaliyeed ee u dhaxeysa Raaskambooni ilaa Cadale.

Xassan Abshir Faarax ayaa heshiiskan uu la galay Shirkadda Koofurta Kuuriya waxaa dallaal ka ahaa nin u dhashay isla Koofurta Kuuriya oo xafiis ku leh magaalada Nairobi, magaciisana la yiraahdo HAN. Mr. Han oo qudhiisu shirkad lagu magacaabo Pinoy Marine Agency ku leh Nairobi ayaa u kala dab qaaday, heshiiskana ka saxiixay Xassan Abshir. Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Xassan Abshir heshiis la galo shirkaddan Koofurta Kuuriya.

Bilowgii shirkii dib u heshiisiinta ee ka furmay Eldoret dhamaadkii 2002 ayuu Xassan Abshir oo markaas ahaa Ra'iisul Wasaaraha Dowladdii Carte heshiis la galay isla shirkaddan haatan markabka laga haysto, heshiiskaana wuxuu dhigayey; In maraakiib tiradoodu gaareyso 15 ay mudo lix bilood ah ka kaluumeystaan xeebta Soomaaliyeed, gaar ahaan inta u dhaxeysa Raaskamboobi ilaa Cadale.

Heshiiskan waxaa dallaal ka ahaa oo shirkadda markabka iyo Xassan Abshir u dhexeeyay ninka lagu magacaabo Mire Xaaji Faarax oo wasiiru dowlaha kaluumeysiga ka ahaa dowladdii Carte iyo Mr Han oo ka socday shirkadda maraakiibta iska leh.Xassan Abshir ayaa heshiiska uu sanadkaas 2002 la galay shirkadda Koofurta Kuuriya ku qaatay lacag dhan $120,000 (Boqol iyo Labaatan Kun Doolarka Mareykanka) mudo lix bilood ah.Dallaalka lagu magacaabo Mr Han oo xafiiskiisa Nairobi lagu magacaabo Pinoy Marine Agency ayaa horay wakiil u ahaa maraakiib muddo hore lagu qabsaday Kismaayo, kuwaasoo gorgortan kadib lasii daayey.Mr Han ayaa la sheegayaa inuu heshiisyo noocan oo kale ah horay ula galay Madaxda Maamul Goboleedka Puntland, Barre Hiiraale, iyo Hogaamiye-Kooxeedyo kale.Shakhsiyaad xog-ogaal ah oo aan la xiriirnay, isla markaana aqoon u leh Mr Han laf ahaantiisa ayaa cadeeyay in ay indhahooda ku arkeen saxiixa Xassan Abshir iyo heshiiska uu sanadkii 2002 la galay shirkaddan Koofurta Kuuriya.Xassan Abshir ayaa todobaadkan qirtay in uu jiro heshiis uu la galay shirkadan, ruqsadna u siiyay in ay ka kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya. Xassan Abshir ayaa ku andacooday in heshiiskan uu la galay ay ogtahay Dowladda Federaalka, balse Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cali Maxamed Geeddi ayaa muujiyay in aanu waxba kala socon heshiiskan.Iyadoo ay jiraan eedeymahan musuqmaasuq ee hareeyay Xassan Abshir Faarax ayey misana dad badan is weydiinayaan heerka uu gaarsiisan yahay musuq maasuqa noocan ah. Mujtamaca Soomaaliyeed ayaa walwal ka muujiyay in Wasiir ka tirsan Dowladda, mas'uulna looga dhigay ilaalinta kheyraadka ku jira xeebaha Soomaaliyeed uu siisto lacag dhan $4500 kheyraadka ku jira xeebaha Soomaaliyeed, iyadoo la ogyahay dhibaatada iyo xaalufinta ay Maraakiibta shisheeye u geystaan kheyraadka ku jira xeebaheena.

Xassan Abshir ayaa bilihii lasoo dhaafay ku doodayey in ay Dowladda Federaalku la dagaalami doonto wax uu ugu yeeray "Burcad Badeed" afduub u geysata maraakiibta soo gasha xeebaha Soomaaliyeed. Hadaba su'aasha ay Bulsho Weynta Soomaaliyeed is weydiineyso ayaa waxey tahay: Horta Xassannow yaad meteshaa Ma Mujtamaca Soomaaliyeed ee aad Wasiirka u tahay, Mise Shirkadaha aad laaluushka ka qaadatay ee aad kheyraadkii dalka $4500 ka siisatay?.

Bahda Aayaha.com

Editor@aayaha.com

No comments: