
15 kii bishii May ee sannadkii hore ayaa arintan oo kale lasoo deristay dagaal Ooge Abdillahi Yusuf waxana lagu daaweeyay isla cisbitaalkaas uu hadda ku jiro, waxana sida laga wada war qabo lagu sameeyey qaliin beerka ah sannadkii 1996, taas oo reerka uu ka dhashay u ururiyeen lacagtii ku baxaday bedelida Beerka.Dhakhaatiirtii ku samaysay qaliinka beerka ayaa kula taliyey in uu ka baxo siyaasada inta ka hadhsan noloshiisa si uu u ilaaliyo caafimaadkiisa.Xiligaas kol ay waydiisay BBC-du in uu ka baxayo siyaasada waxa uu ku jawaabay '' haddaaban gashaday beer labaatan jir ah''.
Dagaal Ooge Abdillahi Yusuf oo aan ilaa hadda ka talin goob ka tirsan Somalia, se kolba qolo marti u ah ayaa kolkii la doortay qudbadiisii ugu horeysay ku sheegay in haddii uu waxqaban waayo uu is casili doono.
No comments:
Post a Comment