Xukuumadda Riyaale Tamar la aantii Indho La aan baa U sii Raacday.
Madaxweyne Riyaale karti darada xukuumaddiisu dalkii waxaa dhacday in dalkii maalin kasta laga biliiliqaysanayo qaybo ka tirsan gobalada bariga dalka. Maanta shacabka Somaliland waxaa haysta madaxnimo jilayc aan go aan qaadan karayn, awooddiisuna liidato oo aan waxba ka dhammaan wuxuu ku ballan qaado.
Gobolada Bariga Sanaag : waxaa weerar xun oo isdaba joog ah ku haya maliishooyin laga soo abaabulay magaalada Garoowe weeraradaas oo la mida kuwii baandadii Talyaaniga ee dagaalkii labaad ee dunida. Maliishiyoyinkaas oo horena boob iyo dhac ku hayn jiray shacabka reer Somaliland ee Laascaanood. Madaxweyne Riyaale wuxuu ku ballan qaaday in uu wasiiradan faraha badan uu tiradooda soo yarayn doono isla markaasna uu wasiiradiisa isku shaandhayn ku samayn doono may fulin oo waynu aragnaa. Madaxweyne Riyaale hore ayaa loo yidhi, dadlka waxaa maamula Falalow iyo Faaliye qasriga madaxtooyada la degan oo taladii dalkaba la wareegay. Waxaa se ayaan daro ah marka go aanadii dalku ay Faaliye gacanta u gaasho, Falalowna fulinteedii noqdo.
Madaxweyne Riyaale halkuu dalka shaqooyin uga samayn lahaa isagii ayaa iska hor taagaya muwaadiniintii shaqooyinka ka heshay dalka.
Madaxweyne Riyaale, maamulkiisu musuqmaasaq malinle ah ayay ku xaalufiyeen shinlinkii dalka soo galaba rajo ah in wax lagaga qabtaana kama soo socoto intaa aan arko ama ka muuqata dalkii.
Socdaalada madaxweynaha ee shacabka masaakiinta ahii u haystaan inuu yahay aqoonsi raadis, waxay wada yihiin qaar dano shakhsi ah iyo dano ganacsi u badan oo uu sharikado isagu magaciisa kula soo saxeexdo khayraadkii dalka jiray , waxaa u dambaysay kulankiisii Munyo Abu Munye oo heshiis kula galay inuu xeebaha dalka ka kaluumaysto, Munye oo ah shakhsi lagu yaqaan inuu dhacay todaba markab oo ay lahaan jirtay dalkii la isku odhan jiray Somalia.
Xukuumadda Riyaale waxay hadda bilowday siyaasiyiinta ka soo hor jeedda inay ugu hanjabto in laga rabo xafiiska CID a ee Hargeysa sida ku dhacday muj Maxamed Xashi Cilmi.
Hadal iyo gunaanadkiis, Xukuumadda Riyaale ama foox ha shidato ama faal ha isku ilaaliso, cadlaalad xumadu nabad xumay keenta taas maanta shacabkii khaatiyaan ayuu ka taagan yahay dawladan aan taag tamar iyo tayo midna lahayn oo waliba indho la aanna ku sii darsatay.
Dalka xeer lagu kala socdaa loo sameeyay haddii xukuumadda Riyaale indhaha ka qarsato ama siduu yahay ay fulin waydo ha ogaadaan in markaa wixii ka dambeeyaa noqonayaan in iyaga sharciga lagu fuliyo shacabka oo isku wada duuban, shacabna waxay rabaan Riyaalena iskama hortaagi karo Fal iyo Faaliyana iskama hortaagi karaan.
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Toronto, Canada
No comments:
Post a Comment