Friday, April 07, 2006

Xuska Sannad Guuradii 25-aad Ee Aas-Aaskii Ururka SNM Oo Maanta Lagu Qabtay Fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa

Ururka Jamiiciyadda SOOYAAL Waxaa loo Sameeyey waa Xannaanaynta iyo fayadhawrka Naafooyinkii iyo Agoomahii SNM, balse Maanta Cid Ku Qiimaysa Ma jirto Dhinac Xukumadeed Iyo Bulsho" Guddoomiyaha Jamiiciyadda SOOYAAL .

"Inagoo Haysana Callan, Nabad Iyo Dimuqraadiyad Ceeb Ayey Ku Tahay Jamiiciyadda SOOYAAL inay Halkani Maanta Ka Cawdaan" Cabdilaahi Maxamed Ducaale Wasiirka Warfaafinta.

"Markii Dalka Lagu Soo Laabtay Ee Halganii Xalaasha Ahaa laga faraxashay Annaga Ayaa SOOYAAL Samaynay Sababta Aanu U Dhisnayna Waxay Ahayd In La karaameeyo Dadkii u jihaaday ee dhigooda dalkani u huray iyo hooyooyinkii Ku Goblomay, Waxaananu u dejinay SOOYAAL Nidaam ka fogaynaaya Siyaasadda iyo xayndaabkeeda, Waana Xaarran Niman Xukuumaddu soo Diratay Inay Yidhaahdaan SOOYAAL Maanta Inay Cabato Ma Joogto" Guddoomiyaha SNM Muj. Xasan Ciise Jaamac.

"Waa Run oo Nabadgelyo iyo Xornimo Maanta waa hadhsanayna Waxaana Mahadleh Ilaahay, Waxaanan Leeyahay Mujaahidintii SNM Ee Shahiiday Ilaahay ha loo baryo inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Maaha Maanta lamana taagnayn in lagu tiikh tiikhsado Jamiiciyaddii SOOYAAL ee maanta ka taagnayd Muuqaalkii SNM, Allaha Ha ka raali ahaado kuwii u jihaaday dalkani, ilaahayna ha innaga dhigo kuwii uu garansiiyo waxay inoo tareen" Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muj. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

"Ummad dhan ayaa la doonaya in taariikhdoodii iyo halgankoodii boodh lagu qariyo, Xukuumadda dalka ka talisa geed gaaban iyo mid dheer ayey u fuushay sidii halgankani xalaasha ah iyo taariikhdiisa ay u dabooli lahayd, waxaa tusaale inoogu fillan maalin kasta waxaa lagu tunta shuruucdii iyo qawaaniintii dalkani u dejisna ee SNM u halgantay, waana xaaran, waana xaq ummadda saaran inaynu ka dhiidhino oo ka xumaano" Mujaahid Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Waxaa Saaka Fagaaraha Beerta Xorriyadda Ee Magaalada Hargeysa lagu qabtay Xaflad Balaadhan oo lagu xusaayey Sannad Guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskii Ururkii SNM, oo ku beegan 6 April sannad kasta, waxay ahayd 1981-kii markii 8 Xubnood oo uu ka mid ahaa Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, Maxamed Xaashi Cilmi, Col. Siciid Cabdilaahi Cigaal, Xasan Aadan Wadaadiid, iyo Xubno kale ay ururkani kaga dhawaaqeen Magaalada London ee dalka Britain.

Haddaba xafladani saaka ka dhacday Fagaaraha Xorriyadda Ee Hargeysa ayaa waxay kaga duwanayd kuwii hore iyadoo dad badani usoo xaadireen inay dhegaystaan hadalada kala duwan ee ay halkaasi uga jeediyeen Mujaahidintii iyo Siyaasiyiintii Ururkii SNM, Waxaana Xafladani ka soo qayb Gallay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahaana Guddoomiyahii ugu muddada dheera ee ururkii SNM Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Ururka SNM ee hadda Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha Wakiiladda ahna ku simaha Guddoomiyaha Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Guddoomiyaha Jamiiciyadda SOOYAAL Mujaahid Maxamed Axmed Xaashi Weere, iyo mudanayaal iyo masuuliiyin ka tirsan golayaasha Qarranka Somaliland.

Ugu horayn waxaa halkaasi hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Jamiiciyadda Sooyaal oo isagu sheegay in ay lahaayeen qaban qaabada iyo isku dubaridka xafladdani maadama ay yahiin saansaanta maanta ka taagan ururkii SNM ee lagu xasuusto, Mudane Mujaahid Weere wuxuu sheegay in Ururka Sooyaal oo loo dhisay in faya dhawraan isla markaana u adeegaan Naafadii iyo Agoomahii Ururkii SNM maanta ay Xukuumadda iyo shacabkuba gabeen, isla markaana la iloobay kuwii halgankii dalkani lagu xoreeyey u huray dhiigooda iyo naftooda Mudane Weere wuxuu halkaasi ka jeediyey hadal u badan in aan la iloobin sooyaalkii taariikheed ee ummaddani.
Waxaa Isaguna halkaasi Ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo sheegay in Xukuumadiisu ay ku tallo jirto sidii ay si dhab ah loo uruurin lahaa halgankii taariikhiga ahaa ee SNM, isla markaana loogu xafidi lahaa baal dahab ah, Mudane Ducaale wuxuu sheegay in ay xaq tahay xusitaanka iyo xasuusto mujaahidiintii u shahiiday halgankii Qadhaadha ee shacabku la gallay faashistigii Siyaad Barre, wuxuuna sheegay Cabdilaahi Ducaale inay waajib tahay in la ixtiraamo karaamada Masuuliyiintii SNM isagoo tusaale usoo Qaatay Axmed Siilaanyo, Xasan Ciise Jaamac, Mujaahid Weere, balse Wasiirku muu xusin Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa aas aasayaashii ururka SNM oo isaguna fadhiyey goobtaasi, wasiirku wuxuu kale oo ka hadlay hadalkii uu jeediyey Guddoomiyaha Jamiiciyadda Sooyaal ee uu ku sheegay inay xukuumaddu gabtay masuuliyaddii Xanaanada Agoomaha iyo naafaddii SNM, isagoo taasi ka jawaabaya wuxuu yidhi Wasiirku "Ceeb ayey innagu tahay maanta in la maqlo Guddoomiyahii Sooyaal oo cabanaya, waar xorriyad, dimuqraadiyad iyo callan qurux badan ayaa inaga dul lalanaya waxay ahayd inaynu ilaahay u mahad naqno halka aynu taaganahay balse waajib innaguma ahayn inaynu cabano".

Waxaa Isaguna Halkaasi Ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahaana Guddoomiyahii ugu muddada dheera ee ururkii SNM, Mudane Mujaahid Siilaanyo wuxuu sheegay in ay xaq inagu tahay xusuusta iyo karamaynta iyo tixgelinta Mujaahidiintii Ummadani iyo dalkani usoo jihaaday, Mudane Siilaanyo wuxuu yidhi "Aniga ka hadli maayo taariikhdii iyo aas aaskii ururka oo walaalahayo Xasan Ciise iyo Maxamed Xaashi oo maalintii joogay London ayaa idiinka warami doona, balse Waxaa innagu waajib ah inaynu xusno oo u ducayno mujaahidiniintii dhiigooda iyo naftooda u huray ka xoraynta dalkani horror-kii siyaad barre, Ummadi ma jirto haddaanay lahayn milgo taariikheed SNM-na waxay gayda in ay Somaliland u noqoto Geesiyaal taariikhdu baalasha ugu horaysa ku xusto" Mudane Siilaanyo isagoo daba socda jawaabtii Wasiirku ka bixiyey ayaa wuxuu yidhi "Waa Run oo maanta nabad iyo xornimo ayeynu ku naaloonayna callan quruxsanna waa inna dul babanaya, balse isweydiintu miyaanay ahayn callankani quruxda badanleh siduu ku dhashay, waxay innagu tahay foolxumo qarran inaynu ilawno Agoomahii iyo Mujaahidiniintii Ku naafawday xornimada dalkani, waa waajib qarran, waa waajib calal shakhsi qof kasta oo dalkani dhiig iyo naxdini ugu jirto waxaa ay ku tahay waajib in wax la taro waxaanan leeyahay hadal gaya maaha in la yidhaahdo Waa calaacal". Mudane Siilaanyo wuxuu ka codsaday shacabkii iskugu soo baxay beerta xorriyadda in ilaahay loo baryo mujaahidintii shahiiday inuu janna fardawsa ugu deeqo, kuwii dhaawacyada iyo naafadu ka soo gaadhayna ilaahay caafimaad qab saadiq ah siiyo.

Waxaa Isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyahii Ururka SNM, ee hadda Muj. Xasan Ciise Jaamac oo warbixin dheer kaga waramay taariikhdii Sooyaal ee ururkii SNM, Wuxuu sheegay Mudane Xasan Ciise Jaamac in Quwaddii Afrikada Madaw oo Faashistigii Siyaad barre dhistay kuna tabcay, looguna yeedhi jiray ilma libaax sanka taabte ay habeeno kooban ku qaadatay Mujaahidiintii SNM inay halgankoodii kaga midho dhaliyaan, taasina waxay ku timid ayuu yidhi Mudane Xasan Ciise Jaamac ummadda oo kalsooni ku qabtay SNM, SNM ayaa dhashay ayuu yidhi Mudane Mujaahid Ciise Somaliland taasina waa xaq in loogu garaaba, Mudane Xasan Ciise Jaamac oo ka jawaabaayey isaguna hadal uu jawaab uga dhigay Wasiirka Warfaafintu odhaahdii Guddoomiyaha Jamiiciyadda SOOYAAL, ayaa wuxuu xusay in aan loo samaynin Sooyaal nidaam siyaasadeed wuxuu yidhi Xasan Ciise Jaamac isagoo taasi ka hadlaya "Markii halganku dhamaaday, annaga ayaa samaynay Jamiiciyadda SOOYAAL, waxaananu ka fogaynay siyaasadda, annaga oo hadafka aanu u samaynay ahaa in lagu xannaaneeyo mujaahidiintii ku naafawday kuna agoomawday halgankii SNM, waa ayaan darro in maanta Wasiir Xukuumadeed hadaladaasi ay ka soo yeedhaan" ayuu yidhi Mudane Xasan Ciise Jaamac.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa Aas Aasayaashii ururkii SNM, ahna siyaasi si weyn loogu qadariyo Somaliland Mudane Eng. Mujaahid Maxamed Xaashi wuxuu si qoto dheer ugu dheeraaday siyaasadahii kala duwana ee ururkii SNM, isagoo ka soo waramay marxaladahii iyo wacdiyadii kala duwana ee ururku soo maray, wuxuuna dhaleecayn dhabarka u saaray Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay bohol daboolaysa Halgankii Xalaasha ahaa ee ummaddani, iyadoo ayuu sheegay Xukuumadda rag ka tirsani ay ka xumaadaan markay maqlaan halgankani iyo xuskiisa Mudane Xaashi oo ka hadlaaya taasi wuxuu yidhi "Ummad dhan ayaa la doonaya in taariikhdoodii iyo halgankoodii boodh lagu qariyo, Xukuumadda dalka ka talisa geed gaaban iyo mid dheer ayey u fuushay sidii halgankani xalaasha ah iyo taariikhdiisa ay u dabooli lahayd, waxaa tusaale inoogu fillan maalin kasta waxaa lagu tunta shuruucdii iyo qawaaniintii dalkani u dejisna ee SNM u halgantay, waana xaaran, waana xaq ummadda saaran inaynu ka dhiidhino oo ka xumaano".
Waxaa Isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiiladda ahna ku simaha Guddoomiyaha Wakiiladda Mudane cabdicasiis Maxamed Samaale oo sheegay in ummad kasta oo dunida ka jirta ay leedahay taariikh umadaha kala lagaga sooco, isagoo tusaale usoo qaadanaya kitaabka Quraanka Kariimka ah wuxuu yidhi "Haddii aad akhridaan Kitaabkeena Muqadaska ah "Ummadahii kala duwana ee dunida Soo maray ummad kasta waxbaa lagu xasuusta, Qaar badan ayaa laga halaagay dunida, Qaar ayaa diinta halkani soo gaadhsiiyey oo maanta kitaabkeenu inoo bayaamiyey, Ilaahay ha innaga dhigo ummad halgankaasi aynu gallay xaqa ku garwaaqsata" ayuu yidhi Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Wararka aan ka helaayo gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa sheegaya in sidani oo kale looga xusay xuskii aas aaskii ururka SNM, iyadoo meelaha laga xusay ay ka mid ahaayeen xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, Xarunta Gobolka Saaxil Ee Berbera, Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, Magaalada Gabiley iyo meelo kala duwan.

Waxaa iyaduna xusuus Mudan markii la iskugu yimid fagaaraha Beerta Xorriyadda ayaa waxaa ka soo kacay kursigii uu ku fadhiyey Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo isku dayey inuu sallaan gacan qaad ah u fidiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo oo wakhtigaasi madasha soo gaadhayey balse Mudane Axmed Siilaanyo waa diiday inuu sallaantaasi ka qaado Wasiirka, taasina waxay yax yax ku noqotay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Somaliland.Org,

Hargeisadiridhaba@gmail.com

No comments: