Friday, April 07, 2006

Madaxweyne Rayaale Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Ka Dib Shan Maalmood Oo Uu Safar Ku Joogay Dalka Yemen

Hargeisa (Somaliland.Org)--- Waxaa Saaka 10:00 Subaxnimo dalka dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Riyaale Kaahin iyo Wefdi 11 Xubnood ah oo uu hogaaminaayey oo safar qaatay shan maalmood ku joogay Dalka Yemen.Madaxweyne Riyaal waxaa ku soo dhaweeyey gegida Diyaaradaha Madaxweyne Ku Xigeenka, Shir Guddoonka labada Aqal, iyo masuuliyiin kala duwan oo iskugu jiray wasiiro iyo xildhibaanada labada gole iyo dadweyne la soo abaabuley.

Madaxweyne Rayaale markii uu ka soo degay Madaarka Egal, wuxuu ku wergeliyey Saxaafadda inuu warbixin ku siinayo Hoolka Shirarka ee Madaxtooyada, halkaasi oo wefdiga iyo saxaafaddu isku soo dabo galleen. Madaxweyne Riyaale oo waxbixin kooban saxaafadda ka siiyey socdaalkiisii Yemen, wuxuu yidhi ,"Waxaanu safar ku joognay dalka Yemen, oo aanu hawlo badan ka soo qabanay, waxaanu la kulanay Madaxweynaha Cali Cabdallah Saalax iyo masuuliyiinta dalka Yemen, waxyaabo badanna waanu isku soo af garanay.

Waxaannu u sheegnay marka siyaasadda laga yimaaddo inaynu xidhiidhkeena adkayno, maadama aynu nahay labadaasi dal ee badda yari kala qaybiso. Run ahaantii Yemen waa dal aynu dhaqan iyo jinsi wadaagno, waxaanay naga aqbaleen ajandayaashii aynu ula tagnay oo dhan, marka dhinaca Siyaasadda laga yimaaddo".

Madaxweyne Riyaale su'aalihii ay weriyayaashu weydiiyeen waxaa ka mid ah waxyaabaha la taaban karo ee ay dowladda Yemen ka ogolaadeen iyo Yemen inay mawqifkeedii Somaliland ku wajahna wax ka bedeshay?

Wuxuuna Madaxweyne Riyaale ku jawaabay, "Waxyaabo badan oo aanu ula tagnay ayey naga aqbaleen, halkani waa iman doonaan waxayna innaga caawin doonaan dhinacyo badan oo waxbarashada, iyo in ganacsigeena aynu la leenahay balaadhino. Waxay si sharci ah inooga qaadan doonaan kalluunkeena, sidoo kale waxay innaga qaadan doonaan Lo'da oo ay halkani usoo dirsan doonaan dhakhaatiir caafimaad ahaan tallaal u fidisa lo'deena".Madaxweynaha oo la weydiiyey waxyaabaha ay isla soo qaadeen Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax, wuxuu yidhi:

"Runtii si fiican oo xamaasadleh ayaanu u wada sheekaysanay, muddo 2 saacadood ku siman ayaanu wada hadlaynay waxbana inooma diidana, isagaaba iga codsaday oo yidhi intaan China ka soo laabanayo i sug, aniguna waxaan ku idhi hawlo badan ayaa i sugaya oo kuma sugi karo, laakiin waxaan leeyahay waa cusub ayaa inooga bilawday". Madaxweynaha oo la weydiiyey xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo inay Xafiis ay halkani kaga furanayaan, wuxuu yidhi "Waxay ogolaaden Xafiiska aynu Yemen ku leenahay oo kale inay halkani (Hargeysa) ka furtaan, runtiina wa dedaal diblomaasiyadeed oo inoo soo biiray".

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Somaliland.Org,

Hargeisadiridhaba@gmail.com

No comments: