Friday, May 19, 2006

Astaamaha Calanka Barakaysan ee Jamhuuriyada Somaliland

Astaamaha Calanka Barakaysan ee Jamhuuriyada Somaliland

Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, waa calan Muslim oo qurux badan oo barakaysan oo hoodo leh kaasoo ay ku ladhan yihiin astaamo u gaar ah oo caan ah sida qoraalka Carrabiga ah, saddexda midab ee kala duwan, iyo xidigta madow kuwaasoo ka wada turjumaya micno muhiim ah oo cilmiyeysan oo qoto dheer.

Hadaba, hadaan hadalka idiin yara jilciyo, micnaha astaamaha calanka Jamhuuriyada Somaliland, waa sida hoos ku xusan:

· Astaanta Koobaad: waxa weeye, Towxiidkii Eebe oo khadka madow ee quraanka lagu qoro ku qoran kaasoo ka turjumaya inaanu rumeynay in aanuu Illaah kale jirin, aan ka ahayn, Allah (Subxaana Wa Tacaala) iyo Muxammad (Sallallaahu Calayhi Wassalam) oo Rasuulkiisi ah taasoo si cad u muujinaysa inaanu nahay qoom iyo dal Islaameed.

· Astaanta Labaad: waxa weeye, Midabka Dooga ah (akhtar, cagaar) kaasoo ka turjumaya barwaaqo, bash bash iyo baraare, iyo horumar dhinac walba ah sida mida siyaasadeed, dhaqaaleed, iyo bulsheedba ah.

· Astaanta Saddexaad: waxa weeye, Midabka Caddaanka ah kaasoo ka turjumaya Nabad iyo Caano iyo Xidigta Madow ee ku dhex sawiran taasoo ka turjumaysa in Reer Somaliland iyo Qarankoodu iyo Dalkoodu ay yihiin xidigta u soo kacday una horseedka ah dhamaan Africa-da madow iyo qoomamka diirka madow ee caalamka ku fidsan.

· Astaanta Afaraad: waxa weeye, Midabka Casaanka ah kaasoo ka turjumaya a) dhiiga loo soo daadshay difaaca dadnimada, midnimada, dhaqanka, Diinta, iyo madaxbanaanida qoomka iyo dalka Somaliland tan iyo xiligii uu Eebe ku abuuray ciidooda hooyo sida xiliyaddii dowladi Islaameed ee Cusmaaniya ee ay ka midka ahaayeen, xiligii ay hiil iyo hooba sida u caadada ah ay ku garabtaagnaayeen halgankii Imaam Axmed Gurey iyo xogaggii kale ee Islaameed, halgankii xoriyad doonkii Istacmarkii Reer Europe gaar ahaan Ingiriiska, halgankii ay la galeen hororkii madoobaa ee Ina Cabdille Xassan, halgankii 30-ka sannadood ahaa ee ay kula jireen daaquudyadii kale ee madoobaa ee xiligii midnimo ku-sheegii ka dib gaar ahaan halgankii dheeraa ee qadhaadhaa ee ay kula jireen rijiimkii fashiistaha ahaa ee militeriga ahaa ee uu hogaaminayey Horor Siyaad Bare iyo xulufadiisii kuwaasoo isku dayey inay qoomkan gobtah ah gumaadaan, hase yeeshee, xaqa iyo jihaad xalaal ah lagala horyimi sidaasna lagaga guuleystay xoogaggii cadowga ee isgaashaanbuureystay taasoo u horseeday burbur baaxad weyn oo dhinac walba saameyeey inay in mudo ahba la kaala kacaa kufayeen; iyo b) dhiiga hada iyo mustaqbalkaba dambeba loola diyaar yahay in si xaq ah loogu huro difaaca ummadda, qadyadda, xoriyadda, qarannimada, iyo jiritaanka Somaliland.

Ugu dambeyn, waxaan leeyahay waa kuwaas astaamahii ku ladhnaa calanka barakaysan ee Jamhuuriyada Somaliland ee KA NAXOW, NAFTAA WAA.

Guul iyo Gobanimo,

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.

No comments: