Friday, May 19, 2006

Sir Culus oo la helay waa ( khiyaamo Qaran ) Part 2.

Sir Culus oo la helay waa ( khiyaamo Qaran ) Part 2.
YUSUF CABDILAHI JANAALE OSLO NORWAY
Saaxiibaayaal Akhristayaal waa qaybtii Labaad Part.2. ee ugu danbeysey Sirtii Cusleyd ee uu bixiyey Sarkaal Sare oo ka tirsan Sirdoonka Madaxtooyada ee Wadanka aynu xaga bada ka deriska nahay ee Yaman.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka sirdoonka ee madaxtooyada Wadanka Yaman oo aan rabin in la magacaabo amaankiisa awgeed ayaa bixiyey Sirculus oo ku lidi ah Jiritaanka iyo Qaranimada Dalka iyo Dadka reer Somaliland. Sarkaalkaasi oo Dahir Riyaale Kaahin ku tilmaamay ( Khaainal Wadan ) ku wacad furay shacabkii aaminay una doortey inuu noqdo madaxweynahooda.
Sirtaasi Culus ee uu bixiyey Sarkaalkaasi oo la soo koobay waa tan hoos ku qoran waa qaybtii labaad uguna danbeysey Part. 2 .

Sarkaalkaasi Sare ee reer Yamani wuxuu sheegey in ugu danbeyntii Madaxweynaha Dalka Yamani uu talooyin kala gooni gooni ah kala siiyey Cade Muuuse iyo Dahir Riyaale, Cade Muuse waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Taliyaha Ciidamada Puntland( Colonel Careys) waana kuwan talooyinkii la kala siiyey:-

Talooyinkii la siiyey Dahir Riyaale Kaahin:-
1. In Dahir Riyaale uusan dhisin ama qalabayn Ciidamada Somaliland si ay u fududaato midnimada ummada Somaliyeed.
2. In aysan somaliland ku dagaalamin Gobolada muranku kala dhaxeeyo p/land.
3. In kuwa diidan midnimada Somaliyeed aan loo dhiibin Jagooyinka sare ee ciidamada iyo dawladaba.

Markii uu madaxweyne Cali Cabdalla Saalax uu dhameeyey talooyinkii uu siiyey Dahir Riyaale,ayaa waxaa halkaasi waxooga hadala ka yidhi Daahir Riyaale waana kan hadalkiisii:-
Aniga iyo labadii Madaxweyne ee iga horeeyeyba wax huba ama qalab militery ah oo aanu u soo dejiney ciidamadayada ma jiraan marka laga reebo waxooga rasaasta AK47 ah oo Itoobiya ku caawisay Ciidamada Bileyska Xiligii uu madaxweynaha ahaa Maxamed Ibrahim Cigaal, waxaa keliya ee dalka yaala waa hub gaboobey oo ay ka tagtay Dawladii Somaliya ee Burburtey hubkaasi oo aan la garanayn si uu u shaqeyn doono mustaqbalka.
Talooyinkii La siiyey Cade Muuse:-

1. In uu dhiso Cudud ciidan oo xoog badan Yamanina qalabayso si uu mandaqada Somalidu degto ugu xoogroonaadaan,xiliga midaynta somaliyana loo adeegsado. 2. In hadii Maamulka Daahir Riyaale khatari ku timaado uu cudud militery ku difaaco taageerana Riyaale ilaa inta midaynta somaliyeed ka imanayso, Cali Cabdalla Saalax wuxuu markaasi ka hadlaayey Siyaasada arrimaha Gudaha ee S/Land. 3. In Gobolada Somaliland iyo Puntland isku haystaan aan wax dhibaato ah laga abuurin ilaa inta la gaadhaayo Midnimada Ummada Somaliyeed.

D H A M A A D.

YUSUF CABDILAHI JANAALE OSLO.NORWAY.18.05.06

No comments: