
Bashiir Raage Sheeraar waxa la sheegay in uu haatan ku sugan yahay magaalada Hargeysa.ma cada sababta keentay in uu yimaado Bashiir Raage magaalada Hargeysa, balse dadka qaar ayaa sheegay in uu u sii dhaafi doono magaalada Djibouti halkaasi oo uu marti qaad ka helay qaar ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada ku sugan Djibouti ee la dagaalanka argagixisada, waxana la sheegay in uu Hargeysa joogi doono oo qudha saddex cisho ka dibna Djibouti halkaasi oo uu wada hadalo kula soo yeelan doono xaalada iyo halka uu maraayo dagaalkii Muqdisho ee u dhaxeeyay iyaga iyo Maxkamadaha Islaamiga ah.
Ilaa hada ma jiro war cad oo ku saabsan booqashada Bashiir Raage ee Hargeysa oo ka soo baxay maamulka Somaliland, balse dad badan ayaa qaba in uu bashiir Raage saaxiibo fiican ku leeyahay Somaliland taasina waxa cadaynaysa sida uu had iyo jeer u taageero gooni isu taaga Somaliland.
Waxana xafladii 18May ee maalinta gooni isu taaga Somaliland uu ku qabtay magaalada Muqdisho halkaasi oo hadal uu ka jeediyay uu sheegay in Somaliland ay qabsatay wax fiican.wixii warara ee ku soo kordha socdaalka Bashiir Raage waxa aad kala socon doontaa halkan
xigasho:
www.dayniile.com
No comments:
Post a Comment