Thursday, May 18, 2006

Hambalyo:Jaaliyada Somaliland Ee Germany Oo Hambalyaynaysa Xuska 15-guurada JSL.

Hadaanu nahay jaaliyada reer Somaliland ee Germany waxaanu halkan hambalyo iyo bogaadin sare uga diraynaa dhamaan dadka reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo xawlal caalamkaba kufiliqsan,sadexda xisbi qaran golaha guurtida iyo golaha wakiilada.

Hambalyadan oo ku aadan 15-guurada kasoo wareegtey maalinta gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland ee 18-ka may ee aynu dib ugula soo noqonay xornimadeenii mudo haatan laga joogo 46-sano kahor ku khamaaray ,taasoo aakhirkii ina geyeysiisey inaynu dib usoo celinteedii uhuray naf iyo maal aan laqiyaasi karin.

Ka dib markii aynu ku khasaaray wixii la odhan jirey Somaliweyn. Taasoo hadeer gacanteena ku jirta una bahaan in lagu fara adaygo oo ay tii hore inoo noqoto cashar lama ilaawaan ah ,waxaanaanu urajaynaynaa reer Somaliland inay kugaadhaan sanadkan sanadkiisa Nabadgelyo Badhaadhe iyo Horumar iyo weliba inagoo kamidnoqona Qaran kamida Qaramada Caalamka.

Ugu dambayn waxaanu ugu baaqaynaa dadka reer Somaliland ee Qurba jooga ah siiba kuwa Yurub inay siweyn oo xamaadsad leh uga qaybgalaan Banaanbaxa ictiraaf-raadiska ah ee kadhici doona 18-19-may Magaalada London.

Wa Billaahi Tawfiiq.

Hersi Osman

Frankfurt am main Germany

No comments: