Thursday, May 18, 2006

Qurba jooga beesha H/Awal oo taageeray go'aanka Salaadiinta, aqoonyahanada iyo waxdgaradka Beesha

Annaga oo ah qurbajoogta reer Somaliland ee ka soo jeeda Beesha Habar Awal kuna kala nool waqooyiga Ameerika, Wadamada Midowga Yurub, Bariga dhexe, Australia iyo daafaha adduunka intiisa kaleba waxa aanu halkan ku soo gudbinaynaa aragtidayada ku wajahan go'aanka qalafsan ah ee Golaha Guurtidu Muddada ku dheereysteen.

Haddaba annaga oo tixgelinayna sharafta iyo qadarinta ay naga muddan yihiin Golaha Guurtidu, ayaa haddana waxa fajaciso iyo amakaag nagu noqotay dariiqa qaloocan ee loo maray muddo kordhinta. Sidoo kale waxaanu la yaabnay in maxkamadii sare ee ka garnaqi lahayd arrintani ay ku dhex milanto muranka isla markaana noqoto aalad madaxweynuhu adeegsado.
Waxannu halkan taageero buuxda ku siinaynaa baaqii ka soo baxay shirweynihii salaadiinta, aqoonyahanada, culimada iyo guddida beesha Habar Awal ee ku yeesheen Hargeysa taariikhdu markay ahayd 14kii May,2003, kaasi oo ay beeshu ku go’aansatay in ay garab istaagto distoorka qaranka, codkoodana ku biiriso Xisbiyadda Qaranka, beelaha Ururada Bulshada, oo dhamaantood cambaareeyey go’aankan xaraanta ah.

Waxaanu qabnaa in go’aamada Madaxweynaha iyo Guurtidu yihiin qayru distoori aan waafaqsanayn distoorka qaranka, ahna kuwo aan lagala tashan golaha sharci dejinta ee lahaa go’aankeeda iyo dhinacyada kale ee ay arrintani khusaynaysay.

Sidaa daraadeed waxaanu ugu baaqaynaa Golaha Guurtida, Madaxweynaha iyo Maxkamada sareba in ay go’aankan sharci darada ah dib uga noqdaan kana raaligaliyaan bulshada reer Somaliland khaladkan distooriga ah ee ay ku kaceen.

Ugu danbeyntii waxaanu xasuusinaynaa in Somaliland ay ku soo caano maashay tallo wadaag iyo wadashi guud oo markasta oo xaalad adagi soo wajahdo lagaga bixi jiray iminkana looga fadhiyo in lagu xaliyo sidaas, iyadoo la tixgalinayo distoorka dalka u yaala.

Wabillaahi tawfiiq

Cabdixakiim Sulub

Afhayeenka HORSEED

No comments: