Friday, May 26, 2006

Kulan Dhex Maray Madaxweyne Riyaale Iyo Madax Dhaqameedyada

Hargeysa, 26, 2006(Somaliland Today)- Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo Madax Dhaqmeedyada Somaliland ayaa kulan ku yeeshay shalay qasrida madaxtooyada ee caasimada Hargeysa. kulan kula yeesho xubno ka mida madax_dhaqameedyada Somaliland.Kulankan oo albaabadu u xidhnaa ayaan la ogeyn arimaha ay kaga wada hadleen labada dhinac,balse waxa loo malaynayaa qodobka lagu lafo guray inuu yahay arinta mudo kordhinta golaha guurtida,taas oo uu ka aloosmay isla markaana uu ka taagan yahay muran ku saabsan sifaha sharci ee loo maray mudo kordhintiisa.

Waxaana warar lagu kalsoon yahay oo ku dhowdhow kulankaasi ay tibaaxeen in M/weyne Riyaale ka dhega adeygay soo jeedinta Madax Dhaqameedyada oo ahayd in uu ka noqdo mudo kordhinta golaha guurtida oo la sheegay in ay ku tilmaameen mid dib u dhac ku ah hanaankii geedi socodka dimoqraadiyada isla markaana aanu sifaha loo maray mudo kordhintaasi aan waafaqsanayan sharciga dalka.

Hase yeeshee wararka qaar waxay sheegayaan in M/weyne Riyaale dalbayaday in kulan dambe ay isugu yimaadaan isaga iyo Madax Dhaqameedyadu,kaasoo la sheegay in lagu sii amba qaadi doono waxyaabihii lagaga wada hadlaylay kulankii shalay balse lama sheegin wakhtiga uu noqon doono waxayse warar aan lagu kalsoonayan oo ku saabsan kulankaa tibaaxayaan in aan la siku afgaran kulankii shalay ka dib markii M/weyne Riyaale si toosa ugu gacan saydhay talooyinkii iyo soo jeedimihii Salaadiinta.

Waxaanu kulankani ka dambeeyay murano sharci oo ku saabsan mudo kordhinta golaha guurtida oo xiisad ka dhex abuurtay xisbiyada mucaaradka,golayaasha sharci dejinta iyo xukuumada taasoo dad badani oo aqoonyahan ah ay soo jeediyeen in ay soo dhex galaan xiisadan salaadiinta iyo Madax dhaqameedyadu.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today Correspondent

Hargeisa, Somaliland.

No comments: