Saturday, May 13, 2006

Ummaddu Waa Inay Ka Tashataa Afweynaha Labaad EE Duminaya Dalka.

Wax badan ayaa laga qayshay qaabka kelitalisnimada kudhisan ee madaxweyne Riyaale dalka ku maamulo,ummadduna wax badan ayay u samirtay kana dhursugtaybal inuu ka leexdo jidka khaldan ee uu ku joogo kuna burburinayo dalka. Laakiin mar haddii ay maantacadaatay in Golihii Wakiiladda ee ummadda soo dooratayuu madaxweyne Riyaale hawshooda qaranimo carqalad kunoqdo isla markaana qiimaynwaayo go`aanadooda si cadna u diiday inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo u adeegtadalka iyo dadka waxaa markaas cad in madaxweyneRiyaale ku joogo jidkii Taliskii Siyaad Barre oo halisku ah nabadgelyada iyo jiritaanka JamhuuriyaddaSomaliland.

Ummadyahay dawlad-xumada maanta ku haysata iyo halistaay soo waddo adiga ayaa ka mas`uul ah waanad ogtahay.Waxaad gefweyn samaysay markii Daahir Riyaale Kaahinoo aad ogayd inuu u dagaallamayey Taliskii Siyaad Barre ilaa maalintii u dhacayey aad u doorataymadaxaweynihii dalka kana dooratay Halyeeyadii S.N.Mee kaa badbaadiyay dabar-goynta, qaran-jabka iyodhaxal-wareegga dhulkaaga. Xataa haddii madaxweyneRiyaale uu dhacay natiijada doorashadii madaxweynaha ee 14kii April 2003 waxaa arrintaas u suurtogeshaycodadkii xoogga lahaa ee la siiyay. Waxaa ummadyahayiskagakaa khaldamay is-cafinta Beelaha Somaliland eeuu isku diray Taliskii Siyaad Barre iyo dembiilayaasha ummadda ka galay dembiyada culus ee aan la cafiyikarinsida Daahir Riyaale Kaahin. Maxaad markaas kagaduwantahay neefka xoolaha ah ee leefaya gacantiigawricilahayd. Ilaahay ma dulleeyo qoom aan iyaguis-dullayn. Abaal-ka-dhacii foosha xumaa ee aad ku samaysay kuwii ku badbaadiyay kana dooratay kuwii kaqaybgalay dabar-goyntaada ayaa ka mas`uul ah dhibka kuhasta maanta ee dawlad-xumada iyo mustaqbal aan lagaranayn waxa uu noqondoono.

Guurtida waxaan leeyahay la mood noqonse weyday. Waa wax laga naxo in Riyaale oo qaran-dumis ah uu jeebkaidin gashado kadib markii uu idiin lulay cad-quudheedlagu burburinayo dastuurka, shuruucda, dawladnimada,iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan idin kula talinayaa inaad deg deg uga noqotaan go`aankiifoosha xumaa ee aad mudada xaaranta ah ku kordhisateenkuna salaysnaa danaystinimada iyo qaran-dumisnimadawaxna ka badbaadisaan dadka iyo dalka. Haddii aad talada toosan diidaan waxaad taariikh xun oo aanidinka hadhin la wadaagidoontaan Maamulka madaxweyneRiyaale ee qaran-dumiska ah.

Nabadgelyo uu hoggaankii dalku burburinayo oo aan siijiridoonin iyo aqoonsi hoosta ay ka mijaxaabinayaan kuwii keenilahaa yaan ummadyahay la idinku cabsigelinama beerlaxawsan ee waan in la is-badbaadiyaa si loohelo nabadgelyo dhab ah, horumar joogto ah oo dalkawada gaadha iyo aqoonsi.

Haddaba, haddii madaxweyne Riyaale oo maroorsaday awooddii dalka oo dhan, laalay dastuurkii iyoshuruucdii dalka, kala dhantaalay midnimadaii qarankaiyo dhulka Somaliland, boobay hantidii qaranka, iskudiray ummadda, halisna ku haya nabadgelyada iyojiritaanka qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland aanu deg deg u bedelin siyaasadda uu dalka ku maamulo eegurracan, u hoggaansamin dastuuraka iyo shuruucdadalka, soo dhisin dawlad kooban oo tayo leh islamarkaana fulin go`aamada Golaha wakiillada ee danta uah dalka iyo dadka waxaa markaas waajib ku ah ummadainay ka tashato Afweynaha Labad ee dalka duminaya kanatabaabulshaysato sidii Maamulka Riyaale eeqaran-dumiska ah loogu ridilahaa KACDOON DADWEYNE ooxidhiidha ah oo ay hoggaamiso magaala-madaxda Somaliland Hargeysa. Kacdoon dadweyne waa habka uguhabboon ee maanta lagu ridikaro Maamulka madaxweyneRiyaale.

Waa in ummaddu ogaataa in dhibaatada ka dhalankartarididda madaxweyne Riyaale iyo kooxdiisa ay aad uga yaraandoonto dhibaatooyinka ka dhalanaya siijiritaanka Maamulka Riyaale. Waa in dulmiga daaraha kujira loogu galaa ee ku raaxaysanaya hantida ummaddalaga boobay ee laga baahanyahay dhan kastaba marka laridana deg deg loogu dhisaa xukuumad ku meel gaadh ahoo u adeegta danta dadka, dalka, dawladnimada, iyoqaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Qore: Ibrahim Hassan Gagale

Email: Ibrahim_hg@yahoo.com

No comments: