Monday, June 12, 2006

Ciidanka Maxakamadaha Oo Ku Ruqaansaday Jowhar.

Ciidanka Maxakamadaha Oo Ku Ruqaansaday Jowhar.

Ciidanka maxkamadaha islaamiga ah ee gobolka Banaadir ayaa maanta duhurnimadii waxa ay u dhaqaaqeen dhanka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe halkaasi oo maanta xubnaha isbahaysiga ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadeen ayagoo ka baqdin qaba weerar kaga yimaada dhanka maxkamadaha.

Warar xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka maxkamadaha ay ka dhaqaaqeen fariisimihii ay ku sugnaayeen ee ku dhawaa magaalada Jowhar waxaana haatan deegaanada ku dhowdhow magaalada Jowhar laga maqlayaa dhawaqa rasaasta.Dadka ku dhaqan tuulooyinka ku yaalla duleedka magaalada Jowhar ayaa xaqiijiyey in ay maqleen rasaas goosgoos ah laakin aysan sheegi Karin in rasaastaasi ay ahayd mid ay is dhaafsanayeen isbahaysiga iyo maxkamadaha.

Warar kale ayaa sheegaya in dhawaqa rasaastaasi ay ahayd mid ay isdhaafsanayeen ciidanka isbahaysiga iyo maxkamadaha islaamiga,laakiin waxaa la shaaciyey in dagaalkaasi uu ahaa oo qura mid rasaas isdhaafsi ah balse aanu ahayn iska hor imaad fool ka fool ah.

Maxamed Carab

Xafiiska Markcadeey ee Muqdisho

No comments: