Monday, June 12, 2006

Muq/Bay: Maxkamadaha Oo U Jihaystay Dhinaca Baydhabo Iyo...

Dagaal (AllPuntland)- Warar goor dhawayd naga soo gaaray magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ayaa xaqiijinaya in ciidamo ka tirsan kuwa Maxkamadaha islaamiga ah oo ka kala yimid Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose oo uu ka taliyo Yusuf Indhocade aysoo gaareen garoonka diyaaradaha ee Balidoogle una soo gudbeen dhinaca magaaalada Baydhabo.

Ciidankaan oo wata ku dhawaad 30 gawaarida dagaalka (Tikniko) ayaa lagusoo waramayaa inuu garwadeen u yahay sargaal ka tirsan maxkamadaha, Mukhtaar Roobow oo ku magac dheer Mansuur oo kasoo jeeda deegaanka Bay iyo Bakool ayaa hogaaminaya ciidankaan oo u badan kuwo hoos taga Xasan Daahir Aways iyo Yuusuf Indho-Cade.

Ciidankan ayaa warar kala duwani kasoo baxayaan halka ay caawa ku sugan yihiin, war aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya inaysoo gaareen Buur Hakaba. Ciidankan ayaa laga dareemay dhaqdhaqaaq loogu diyaargaroobayo iska difaacidooda magaalada Baydhabo oo la sheegay inay kusoo wajahan yihiin., ciidamada dawlada federaalka ee ku sugan Baydhabo ayaa heegankii ugu dambeeyay caawa la galiyay.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka curtay deegaanka Bay iyo Bakool ayaa kusoo beegmay iyadoo maalinta barito ah uu baarlamaanka Soomaaliya u balan sanyahay kulan xaasxaasiya oo baarlamanku uga doodayo go'aan ka gaarista qorshaha amniga qaranka oo uu ku jiro qorshaha dawlada federaalku ku doonayso in ciidamo shisheeye dalka la keeno.

Gudoomiyaha Midowga Maxmakadaha oo maanta (11 June 2006) shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay go'aan ciidamo shisheeye lagu keenayo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay taasi horseedayso cawaaqib xumo ka dhalata halkaas go'aan barito baarlamaanku ku aqbalo in ciidamo shisheeye dalka la keeno.

Xubno baarlamaanka ka tirsan oo si weyn horay ugu diidanaa in ciidamo shisheeye dalka lakeeno ayaa hadda la qaba kuwii horay u ogolaa in ciidamo shisheeye la keeno, tani oo muujinaysa in baarlamaanku ogolaandoono in loo baahan yahay ciidan gacan siiya ciidanka dawlada loo uruurinayo.

Warar Muqdisho iyo Baydhabo aanu ka helnay ayaa sheegaya in ciidmada Maxkamadaha qorshahoodu yahay inay ka hortagaan go'aanka baarlamaanka iyagoo ka fa'iidaysanaya xiisadii dhawaan ka dhacday Baydhabo oo ay doonayaan in sarkaalka deegaanka kasoo jeeda uu hor kaco hawlgal la mid ah kii Maxkamaduhu ku qabsadeen Muqdisho.

Xigasho: AllPuntland.com

No comments: