Monday, June 19, 2006

Difaaca dalka waxaa ka kow ah in aad difaacdo Dastuurka iyo sharciga

Difaaca dalka waxaa ka kow ah in aad difaacdo Dastuurka iyo sharciga.

Qof kasta oo Somaliland u dhashey waxaa waajibaad ku ah in uu difaacodalkiisa wax kasta oo burbur ku keenaya dalkiisa haddii ay tahay Dastuur , dhul , Naf, iwm.Haddaba hadii aan tusaale yar soo qaadano , qofku waxaa uu ka kooban yahayee ugu waaweyn waxaa ka mid ah Naf, Laffo, Dhiig iyo Dheecaan, Jiidh amaHilib, iyo wax yaabo badan oo kale, waxaa ugu qaalisan oo aan la'aanteed wax kastaa istaagayaa waa NAFTA , sidaa ay naftu muhiim ugu tahay qofkaayaa Dastuurka ummadi dhigato ugu qaalisan yahay nolosha ummadaasiwadaageyso , haddii la waayo sharci kala haga ummada nolol halkaa kajirtaa ma jirto.

Difaaca dalka waxaa ka kow ah in aad difaacdo Dastuurka iyo sharciga,haddii inta hortaada lagu burburiyo oo aad daawato , bari waxaa ku xiggatii shaley aad ka soo gudubtay ee lahay dil , dhac, kufsi , xadhig iyo xasuuq aan loo kala dayin, Haddaba waxaa la yidhaa qof aan garan wax joogawaxa soo socda ma garto, ha sugin inta gurigaaga laguugu soo galayo, eedalkaaga ogow masuulka burburinaya, qofka tuugga ahi ku odhan mayo iska key eeg tuug ayaan ahay ee waa in aad adigu fahantaa oo aad iska jirtaa,taa waxaa la mid ah Riyaale iyo Saleebaan ha ka sugina in ay idinyidhaahdaan iska kaaya eege, ee waxay mar walba falowgeed qabanayaan sidey qaladkooda cid kale ugu riixi lahaayeen.

Isku soo duub muhiimku waa dalkii maanta gacanteena ayuu ku jiraa ummadaSomalilandeey , waa mid kuu banaan in aad haatan wax ka saxdo, goorfadhaal iyo ceedho kala dhaceen ha odhan maxay sedan u dhacdey iyo kolba cid eedeyn , dalka waa inaga wada dumayaa in gaara waxba kama dumayaanilaa Saleebaan Gaal oo ah ka duminaya ayaa wax kuwaayi doona.

Waar hadhow kolba qof inta aad eedo aanu lahayn madaxa u galin laheydeenhaatanba iska qabta Riyaale iyo kooxdiisa, haddiikale iska ahaada doqoniqiiq kama kacdee daamankey meermeerisaa. Midda kale een Somalilandxasuusinayaa waxaa weeyi, waa in aad iska deysaan kolba lafta la idiintuurayo eed ku murmaysaan ama ka qaylineysaan,TASHADA OO GO'AAN ADAG OO WADANKA LAGU SAXAYO GAADHA , haddii kale kooxdan kaaley ila muran eebadheedhay waydin ku daali.

Mukhtar Hersi

No comments: