
Madaxweynaha waxa soo dhaweeyay Wasiirka wasaarada Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Dr Charlos Murgande iyo wasiirul dawlaha qaabilsan Iskaashiga Mr Roxmeri Musemanari ,Chief Protocelka Mss Rosse Kapuye , iyo Mss Murayal Kazura Protocel vip –da u qaabilsan.Wefdiga waxa la dajiyay huteelka Caalamiya oo ku yaal magaalada Kigali ee dalka Rwanda Wefdiga isla 3:30 kii galabnimo waxa la geeyay xaruntii lagu ururinayay xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda oo lagu qaybiyo astaamihii xasuuqa Rwanda ,Wefdiga Madaxweyne Rayaale waxa xaruntaasi geeyay wasiirka wasaarada Arrimaha Dibada dalka Rwanda , wefdigu waxay kulamo la yeelan doonaan madaxda dalka Rwanda oo uu ka mid yahay madaxweynaha dalka Rwanda’’
No comments:
Post a Comment