Friday, June 23, 2006

Laba Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka SL Ee Ku Sugan Adhi Caddeeye Oo La Fakaday Gaadhi Tikniko Ah Iyo Wasiirka Gaashandhiga Oo Digniin Diraya

Laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Qarranka Somaliland kuwa ku sugan xuduudka Somaliland ee Adhi Caddeeye ayaa shallay gelinkii danbe waxay ciidanka kala fakadeen Gaadhi nooca tiknimada ah oo uu ku rakibanyahay qoryaha lidka diyaaradaha iyo ciidanka ee loo yaqaano (Dhishiike), Sidaasi waxaa goor dhawayd khadka telefoonka ugu xaqiijiyey Somaliland.Org Wasiirka gaashandhiga Somaliland Jaamac Gaas Mucaawiye oo hadda ku sugan magaalada Burco.

Wasiirku wuxuu sheegay in labadani askari ay ugala fakadeen gaadhigani tiknikada ah ee uu qorigu ku rakibanyahay dhinaca maamul goboleedka Puntland, wuxuuna ku tilmaamay khaayimul qarran, Mudane Mucaawiye wasiirka gaashandhigu wuxuu digniin u diray Maamulka Puntland isagoo ka dalbaday inay sida ugu dhakhsaha badanleh u soo celiyaan gaadhigaasi iyo labadaasi askari haddii kale ayuu yidhi wasiirku waxaanu u qaadanayna in Maamulka Puntland ka danbeeyo, isla markaana ay bilaabeen xaalad abuur, daandaansi iyo faragelin, Wasiirka Gaashandhiga Jaamac Gaas Mucaawiye wuxuu sheegay haddii Maamul goboleedka Puntland ay sida ugu dhakhsaha badanleh ugu soo celin waayaan gacanta Somaliland gaadhigaasi iyo labada askari in ay qaadan doonaan tallaabo ku haboon, balse wasiirku tafaasiil kama bixinin tallaabadaasi nooca ay noqon doonto.

Wararka aanu khadka Telefoonka kaga helayno magaalada Adhi Caddeeye iyo Caynabo ee gobolka Sool ayaa tibaaxaya in ciidanka Somaliland ee jooga aagaasi la geliyey heegan sare isla markaana ciidanku ay gooyeen ama joojiyeenba dhamaanba waddadii isku xidhaysay labada dhinac, iyagoo baadhitaan xad dhaaf ahna ku bilaabay gawaadhida iskaga gooshaysa magaalooyinka Caynabo iyo Adhi Caddeeye, Tiknikada ku sugan dhinaca adhi caddeeye ayaa iyagana la geliyey heegan aad u sareeya.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Somaliland.Org, Hargeisa.

No comments: