Sunday, June 25, 2006

Madaxweyne Riyaale Iyo Weftigiisii Oo Ku Soo Laabtay Dalka

“Maya adeer dawladdu wax walba ku hadli maysee wax macno leh ayey ku hadlaysa cida dhororoqdaa Haysa Ee In La Iska Hadlo Doonaysana”….Madaxweyne Riyaale.

Hargeysa, June 24, 2006 ( Somaliland Today)- "Waxaan socdaal ku tegay sidaad ka war qabtaan dawlado dhawr ah dhammaan intii aan tagnayna waxaanu u gudbinay farriinteena iyo waxaynu qabsanay" sidaa waxa hadal kooban ku yidhi Madaxweyne Daahir Riyaale oo qasriga madaxtooyada ugu waramayay warbaahinta ka dib markii uu ka soo degay galabta maqrib ku dhowaadkii garoonka diyaaradaha ee caasimada Hargeysa. Madaxweyne Riyaale hadalkaasi kooban ka dib mar la weydiiyay inuu sheegay markuu dalka ka dhoofayay inuu tagaayo oo keliya Kenya waddamada kalena uu uga sii gudbay wuxuu ku jawaabay "waa runta oo Markii aanu Kenya tagnay waxa noo furmay albaabo kale dad badan ayaana runtii nagala shaqeeyey dhammaan dalalkii aanu tagnay iyo waxaanu ka wada hadalnayna guul ayey ku dhamaadeen waxaananu u gudbinay wadamadaa farriinteena.”

Madaxweyne Riyaale wax tafaasiil ah oo intaa dheer kama uu bixin socdaalkiisa marka laga reebo guulo uu sheegay inuu soo hooyay balse aanu tilmaamin waxa ay yihiin.
"Maya adeer dawladdu wax walba ku hadli maysee wax macno leh ayey ku hadlaysa cida dhororoqda haysa ee in la iska hadlo doonaysaana iyagaa wax og" ayuu yidhi si cadho leh ugu Jawaabay Madaxweyne Riyaale mar la weydiiyay sababta uu uga hadli la’dahay xukuumadiisu falal badan oo ka dhacay dalka sida gaadhiga tiknikada ah ee labada askari kala baxsadeen ciidamada qaranka ee Aaga hore.

Madaxweyne Riyaale wax la weydiiyay waxa uu uga hadli waayay falka labada askari ku kaceen iyo talaabada ay xukuumadiisu ka qaadayso mar kale wuxuu si cadho leh ugu jawaabay "adeer adigu dadka uma hadlaysid ee dantaada ka hadal, waxaan kuu sheegaya gaadhi lala baxsada wax macno ah ma samaynayso wax ka weyn ayaa dunidda ka dhaca rag baanan meesha kaga tegay oo sii joogay Su'aashaaduna iguma aha aniga munaasiba", Madaxweyne Riyaale waxa uu saxaafada kula hadlayay hadalo taagtaagan oo aanu wax tafaasiil ah ka bixinayn su’aalaha ay weriyayaashu weydiiyaan dhawr goorna si kulul buu ula hadlay xubno ka mida suxufiyiinta oo wax ka weydiiyay arimo doora oo kala duwan.

Weftiga Madaxweyne Riyaale oo maqrib ku dhowaadkii soo gaadhay dalka waxa ku soo dhaweeyay madaarka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,gudoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka Saleebaan Maxamuud Aadan,C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”,gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Sheekh Axmed Nuux,,wasiiro,xildhibaanada ka tirsan xisbiga Udub ee golaha wakiilada qaarkood madax iyo masuuliyiin kale oo ka mida taageerayaasha xisbiga Udub.

Waxaana Madaxweyne Riyaale socdaalkiisa ku weheliyay mudada laba iyo tobanka maalmood qaatay xubno wasiiro ah oo ka mida golahiisa wasiirada kuwaasoo kala ah wasiirka Khaarajiga Marwo Edna Aadan Ismaaciil,warfaainta C/laahi Maxamed Ducaale iyo Maaliyada Cawil Cali Ducaale oo isagu weftiga ka raacay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya oo uu socdaal aan la ogeyn ujeedadiisa ku sii joogay ka hor intii aanu Madaxweyne Riyaale dalka ka dhoofin 12-kii bishan.

Waxaana ilaa saaka wadada u dhexaysa madaarka ilaa madaxtooyada dhoobnaa ciidamo bileys ah oo ay ku jiraan kuwa ilaalada ajaanibka oo wata gaadhiidka u gaarka ah waxayna raxan raxan u taagnaayeen ilaa intii madaxweyne Riyaale ku soo hoyday qasriga madaxtooyada wadadaasi u dhexaysa ilaa madaarka iyo qasriga Madaxweyne Riyaale degan yahay ee ah madaxtooyada Somaliland.

Liibaan Maaweel Shire

Weriyaha Shabakadda Somaliland Today

Hargeysa, Somaliland.

No comments: