Sunday, June 25, 2006

Shiekh Aweys Oo Loo Doortay Gudoomiyaha Ururka Maxkamadaha

Golaha Shuurada Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa shir uga socday Hotel Ramadan ilaa 83 qof oo la sheegay in ay ka kal socdeen maxakimta ayaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay, iyadoo golahaasi uu badalayo Midowgii Maxkamadaha islaamiga ee Muqdisho, waxaana Gudoomiye looga dhigay Sheekh xasan daahir Aweys.

Golahaan oo ka kooban 88 xubnood isuguna jira labo gole oo kala ah Golaha Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed iyo Golaha Fulinta Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed ayaa maanta lagag dhawaaqay kulan balaaran oo ka dhacay Hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha golaha maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed ayaa waxaa laga dhigay Sheekh Xasan Daahir aweys halka K/xigeenka koowaadna laga dhigay Sheekh Cumar Iimaam Abubakar, Gudoomiye K/xigeenka 2aad Sheekh C/laahi Afrax Aasbaro, iyo xoghayaha golaha shuurada ee maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed looga dhigay Sheekh Max'uud Sheekh Ibraahim Suuleey.

Golaha fulinta ee maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiye k/xigeen Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad Indho cadde, Gudoomiye K/xigeenka 2aad Sheekh C/qaadir Cali Cumar.

Golahaan oo ka kooban 88 ruux oo isugu jira aqoonyahano, Culuma udiin iyo waxgarad ayaa y badali doonaan Midowga Maxaakiimta islaamiga Muqdisho oo uu hogaamin jirey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo iminka waxii ka dambeeyana la dhihi doono golaha maaakiimta islaamiga Soomaaliyeed oo uu ugu sareeyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah culuma udiinka ugu caansan Somalia.

Sheikh Xasan Daahir aweys ayaa u magacaabistiisa gudoomiyaha golaha Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed waxa ay ku soo beegmatay xilli uu howlo shaqo ugu maqan yahay gobolada dhexe ee Somalia, gaar ahaan magaalada Guriceel oo uu ka soo jeedo.

Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmatay xilii khamiistii la soo dhaafay magaalada Khartoum heshiis ay ku gaareen dowladda FS iyo maxaakiimta islaamiga, iyadoo heshiiskaasi ay si weyn u dhaliileen xubnaha isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ee laga eryay caasimadda Somalia, ka dib dagaalo 4 bilood jirsaday.

No comments: