
Safarkan Madaxweynaha waxa la sheegay inuu la xidhiidho sidii uu ugu ololeyn lahaa sidii Somaliland ay xubin ama kursi uga heli lahayd ururka midowga Afrika.
Waxaana wararku intaa ku darayaan in Madaxweyne Riyaale uga sii gudbi doono wadamo kale oo Afrika ah kuwaas oo la sheegay inay ka mid yihiin dalalka Benin iyo Ghana, hase yeeshee lama sheegin xubnaha ku wehelin doona socdaalka Madaxweyne Riyaale waxaase la filayaa in uu magaalada Nayroobi ka sii raaci doono wasiirka maaliyada Cawil Cali Ducaale oo mudo ku dhow bil socdaal ugu maqnaa dalka Kenya.
Warbaahinta madaxa banaana ee Somaliland ayaa todobaadyadan qoreysay in Madaxweyne Riyaale uu marti qaad ka helay Madaxweynaha Ghana oo la sheegay inuu wado qorshe uu ugu ololeynayo sidii Somaliland kursi uga heli lahayd Ururka Midowga Afrika, iyadoo shirkii Ururka Midowga Afrika dhici doono bisha July ee soo socota oo lagu qaban doono xarunta Ururka Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya.
Waa socdaalkii saddexaad ee Madaxweyne Riyaale dibadda ugu baxo sannadkan, iyadoo socdaalkiisii u dambeeyeyna uu muddo saddex maalmood ah ugu maqnaa Addis Ababa, Itoobiya.
Liibaan Maaweel Shire
Weriyaha Shabakadda Somaliland Today
No comments:
Post a Comment