Sunday, June 11, 2006

Soomaaliya Waa Muqadis, Gooni Isu Taaga Somalilandna Ma Ogolin.

Sidda aynu la wadda socono, waxaa Muqdishu gacanta la haleelay, waxa loo yaqaan, 'Maxkamadaha Islaamiga', ee uu Shiekh Shariif Sh. Axmed hogaamiyaha ka yahay.

Waxaa markii ugu horesay wax ka waydiiyey Somaliland, Mudane, Bashir Goth, oo ka socday, shabakadda wararka ee www.awdalnews.com ee soo baxday bishu markay ahayd June, 9th, 2006. Bashir isagoo sii wata su’aalahiisii ayuu waydiiyey shiekha .

Su’aal- Bashir Goth 'Somaliland waxay samaysatay dawlad taagan oo dhamays tiran, dadkeeduna la daba taagan yihiin taageero buuxda, ka dib markii ay ka noqdeen israacii Somaliya. Siddeed u aragtaa arrintaa? Ma laga yaabaa inaydun ka hirgelisaan Shariicadda halkaana?'

Jawaab-Shariif: ' Waan u tahniyaddaynayaa Somaliland, dadaal badana way sameeyeen. Waa dad aan jecelahay, waana Soomaali. Go’itaanka Somaliland-na waxaa keenay khaladaad hore u dhacay. Xagayagana waanu rabnaa inaanu khaladaadkaa wax ka nidhaahno…….'

Waxaa iyanna waraysatay shabakadda www.somaliweyn.com bishu markay ahayd June, 10th, 2006, Shiekh Shariif, iyaddoo dadku Su’aalo soo waydiinayeen. Waxaa haddaba ka mid ahaa su’aalihii la waydiiyey Gudoomiyaha Maxkamaddaha Muqdishu.

Su’aal- Sulieman Axmed, UK ' Shiekhu siddee buu u arkaa gooni isutaaga Somaliland? Wadda haddal ma jecelyahay inuu la yeesho xukuumadda Somaliland?'

Jawaab- Shariif” Marka hore waxaanu ogsoonahay midnimadda ummadda Soomaaliyeed, iyo xoriyaddeedii oo dhiig badani u soo daatay, hawl badana loo soo galay, gumaysiguna maca daalik wuxuu ku guulaystay inuu 5 qaybood u qaybiyo, marka anaga iyo dadka Soomaaliyeed ee maanta joogaa waxaanu is leenahay, waxaa waajib ku ah inay dhamaantood u shaqeeyaan inay xaqiijiyaan midnimadda ummadda Soomaaliyeed, oo marnaba aan arrintaasi dhicin'.

Haddaba, inagoo xasuusana falalkii dilalka ahaa ee ay maxkamaduhu ka hirgeliyeen Somaliland, kuna dileen dad ajanbi ah, iskuna dayeen inay qaraxyo iyo dhimasho badana u gaystaan ummadda reer Somaliland, markii ay doorashadda Golaha Wakiiladda loolankeeddii ku jireen, ayey maantana argagixisaddii falalkaa geysatay haleeleen inay ka taliyaan Muqdishu. Waxaa hubaal ah inay maanta ka sii awood badan yihiin shalay, taasina ay u saamaxayso inay haddana bilaabaan falal argagixiso ah si ay nabadda iyo dawladda Somaliland loo baabin lahaa.

Waxaan haddaba waydiinayaa xukuumadda Somaliland:

1- Ma isla meel dhigeen siddii ay ugu hortegi la’haayeen khatartan la soo daristay?
2- Waddaadada reer Somaliland ee u hanqalka taagaaya kuwaa, ma lala socdaa? Inteebayse tiraddoodu tahay?
3- Dadka reer Somaliland ma lagu dhiiri galiyey inay u noqdaan dawladda indho iyo dhego?
4- Dhaqaale lagu hawl geliyo arrimahaa dawaladda iyo Golayaasheeddu meel ma isla dhigeen?
5- -Heerka Milateri ee dalku ilaa intee ayuu heegan yahay?


Ahmed Hassan Ahmed-Quick

Ottawa-Canada

Waridaad.saraar@gmail.com

No comments: