Saturday, June 10, 2006

Madaxweyne Riyaale oo Casho Sharafa U Sameeyey Ambassador Francois Fall iyo Wakiilka UNDP

Hargeysa, June 10, 2006, (Somaliland Today)-Madaxweynaha JSL Md Daahir Rayaale Kaahin , ayaa Xalay casho sharaf u sameeyay ergayga gaar ahaaneed ee Xoghaya guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb Francois Fall oo uu Weheliyay wakiilka UNDP-da Mr Eric iyo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay.Ergayga iyo wakiilka oo booqasho ku yimid dalka Waxay isla maanta (Shalay ) Booqdeen Berbera.

Cashada Ka hor, kullan ay yeesheen , Madaxweynaha iyo wefdigu , waxa uu Amb Fall Madaxweynaha u sheegay in booqashadii hore uu ugu yimid Somaliland, warbixinteedii uu u gudbiyay golaha amaanka , isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi ‘’ xaqiiqadii halkan waxaan ku arkay aan u gudbiyay golaha Amaanka iyo masuuliyinta qaramada Midoobay , hadda oo aan golaha amaanka warbixin siin doonana waxaan idiin xaqiijinayaa inaan wixii aad qabsateen, mawqifkiina iyo cabashooyinkiinaba sida uu yahay u gaadhsiin doono’’.

Madaxweynuhu, waxa uu si faah faahsan ugaga hadlay arrimaha aynu kaga cabnayno qaramada Midoobay , hay’adda Samo falka iyo bulshada caalamka intaba, waxana nuxurka hadalkiisu ahaa ‘’Waxaanu nahay dal iyo dad xaqooda lagu duudsiyay wax wanaagsan baad qabsateen’’.
Madaxweynuhu wuxuuu intaa ku daray isaga oo yidhi ‘’Kama rabno lacag Qaramada Midoobay, waxase aanu ka rabnaa xaqiiqada ka jirta iyo rabitaanka Somaliland siday tahay inay caalamka ugaga waramaan iyo wixii kaalmo ah qaybtayada ah wax la taaban karo naloogu qabto, si camal abuuris iyo horumar ay wax noogaga jarto’’.

Tusaale waxa uu Madaxweynuhu u soo qaatay heerka Nabad gelyada Somaliland oo uu u sheegay in ay Nairobida ay joogaan ay ka sarayso ay kala mid dhigaan Muqdisho.
‘’Wax badan oonu ka hadalnay in nalaga bedelo arrintaasi ilaa kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha Dhibaatooyinka Mr Ean Eagland oo aanu halkan ku wada hadalnay ilaa imika waxba lagama bedelin, sidaa awgeed haddii arrintaa aan wax laga qaban waxaanu ku qasbanaan doonaa cidda Nabad gelyada wax laga waydiiyo ee dalkayaga joogta inaanu ka maarano’’.

Madaxweynuhu , waxa kale oo uu u sheegay Wakiilka UNDP-da in uu guddi wasiiro ah u saaray qiimaynta hawlaha laamaha qaramada Midoobay iyo hay’adaha Samo falka dhinacayga iyo dhinaciinaba wixii dhaliilo ka jira, sida wixii lagu ballamay ee aan fullin , ka dibna ay isku soo duba ridi doonaan qaabka aynu ku wada shaqayn doono’’. Kullankaasi oo jawi wanaagsan ku dhamaaday, waxa uu gebo gebadii ku yidhi Madaxweynuhu ‘’Waxaanu ergayoow kaa codsanaynaa in fariintayadu siday tahay ay u gaadho golaha Amaanka iyo masuuliyiinta sare ee qaramada Midoobay’’. Taas oo ergaygu u ballan qaaday .

Kulankaa iyo cashadaba waxa Madaxweynaha ku weheliyay, Wasiiradiisa Arrimaha Dibadda, Qorshaynta Iyo Warfaafinta .


Xigasgho: Somalilandtoday

No comments: