Saturday, June 03, 2006

Midowga Afrika Oo Soo Dhaweeyey Talo-Bixintii ICG Iyo Safiirka Xukuumada Imbagaati Ee Addis Ababa Oo Cambaareeyey

Masuuliyiiinta ururka midowga Afrika ayaa soo dhaweeyey warbixintii talo soo jeedintii uu ka soo saaray ururka qalalaasaha adduunka ee ICG todobaadkii hore Somaliland,taasi oo uu kula taliyey midowga Afrika kala furdaaminta mushkilada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay inay ku haboon tahay in lagu dhameeyo hab diblomaasiyadeed.

Sida uu qoray wargeyska Haatuf Alcarabi iyo wargeyska Haatuf oo ay mataano yihiin cadadkiisii maanta masuuliyiinta ururka midowga Afrika waxay muujiyeen sida ay niyad samida ugu hayaan hindisahaasi ka soo yeedhay ururka ICG oo sidoo kale ku taliyey in Somaliland midowga Afrika uu u magacaabo ergay gaar ah iyo in kursi goob-joogenimo laga siiyo midowga Afrika si ay labada dhinac ee Somaliland iyo Somaliya-ba ay goob-joog uga noqdaan doodaha uu ururka midowga Afrika ka leeyahay arinta kala furdaaminta Somaliland iyo Somaliya,taasoo la sheegay inay si diiran u soo dhaweeyeen madaxda midowga Afrika iyo sidoo kale diblomaasiyiinta shisheeye eek u sugan Addis Ababa.

Laakiin sida la sheegay waxa isagu cambaareeyey talo soo jeedinta midowga Afrika safiirka xukuumada Imbagaati u fadhiya Addis Ababa oo magaciisa la yidhaahdo C/kariim Faarax oo isagu warbixinta ICG ku tilmaamay mu’aamarad lagu wax yeelaynayo midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliyeed.

Sida la sheegay C/kariin Faarax waxa uu qaaday olole uu ku diidan yahay fulinta talo soo jeedinta ee ururka ICG isaga oo isku dayey inuu shaki ka geliyo macluumaadka ku jira diblomaasiyiinta ku sugan Addis Ababa,isla markaana waxa uu u sheegay madaxda midowga Afrika in nabad raadinta Somaliya ay khatar geli doonto haddii uu isku dayo midowga Afrika inuu hirgeliyo talo soo jeedinta ICG,lamase sheegin wax guul ah oo uu ka gaadhay ololihiisa ku lidka ah Somaliland,balse waxa uu fursad ka helay iyada oo aanay dhinaca Somaliland cidi uga ololeyn mawqifkeeda iyada oo uu haatan Hargeysa ku sugan yahay wakiilka Somaliland ee Addis Ababa Yuusuf Jaamac Buraale.

Sideedaba waxa la sheegay in xafiiska wakiilka Somaliland ee Addis Ababa uu yar yahay dhaqdhaqaaqiisa diblomaasiyaydeed eek u waajahan inuu kasbado taageerada diblomaasiyadeed ee ay qadiyada Somaliland u baahan tahay,iyada oo ay hawlaha xafiisi ku kooban yihiin soo saarista fiisayaasha iyo macluumaadka dadka safraya ee reer Somaliland iyo adeegyada ay u baahan yihiin,taasoo sabab looga dhigay iyada oo ay xafiiskaasi ku yar yihiin dadka khibrada diblomaasiyadeed leh iyo dhaqaale yaraan soo wajahday xafiiskaasi.

Warbixinta ICG oo sheegtay in Somaliland 26-June 1960 ka qaadatay gobanimadeeda Ingiriiska inay isla sanadkaasi bishii July 1-deedii la midowday qaybta kale ee Somaliya ee uu gumaysan jiray Talyaanigu,iyaga oo isku noqday Jamhuuriyada Soomaaliya waxaanay ku taliyeen in midowga Afrika uu talaabo wax ku ool ah ka qaado kala furdaaminta Somaliland iyo Somaliya si looga baxsado dhibaato iyo mashaqo ka dhacda geeska Afrika.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today Correspondent

Hargeisa, Somaliland.

No comments: