Sunday, June 04, 2006

Cadalaadda Xitaa Ismaciil Baa Xaq U Leh Aargoosiguna Waa Xaaraan

Cadaaladdu waa wax Ilaahay (SWT) ina faray inaynu ku dhaqanno oo diinta iyo dadnimadaba ku wanaagsan. Waa shay uu Ilaahay (SWT) wanaageeda qiray markuu magacyadiisa suuban ku daray.

Caddaaladu ma aha wax qofkii aynu rabnana u fidino kii aynu necebnayna kaga masuugno. Waa loo siman yahay cadaaladda. Meel aan cadaaladi jirin nabadi ma jirto ayay odhaahi tidhaahdaa.

Cadaaladda waxa ka soo horjeedaa ee lidkeeda ahi waa DULMI. Allah haynaga duwo dulmi.

Haddaba maa daama aynu nahay dad muslina oo ku guda jira dhisme dal laga soo badbaadiyay colaado iyo aafooyin badan oo jecel inay dhisaan umad nabad iyo barwaaqo iyo sinaan ku wada nool waxa aynu u baahannay inay cadaalad ku shaqayno oo xeerka loo sinaado. Waxaynu u baahannay inaynaan kolba kaynu necebnay ama inaga soo horjeeda aynaan dabka saarin ee cadaalad marino oo waxii ku waajiba marino si aan aargoosi iyo dulmi midna ahayn.

Wasiir Ismail Cisman Adan dadka reer Somaliland badidoodu way necbaayeen waxaanay ku naceen kibirkisii iyo dulmigii uu ka galay dad badan intii uu kursiga hayay:

Wasiir Ismaaaciil:

  • Waa ninkii isagoo ah masuulkii koowaad ee nabadda u xilsaarnaa oo ay ahayd inuu dadka isu soo dhaweeyo, isagu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay inuu iska horkeeno dadka.

  • Waa ninkii markii dhacdadii Dhubato ee argagixisada ahayd dhacday yidhi “waxa kadanbaysay beel reer Togdheer ah iyo kuwii aanu kursiga ka helnay”

  • Waa ninkii dhacdadii lagu Boorame ee lagu dilay Talyaaniyaddi yidhi “waxa ka danbeeyey KULMIYE”

  • Waa ninkii waxii uu ku magacaabay “inqilaabka xero digaagta” ee uu isgu maleegay ee xaalad abuurka ahaa haddana yidhi waxa ka danbeeyay KULMIYE ee u xidhxidhay rag aan laba socon amuurahaa oo uu suuqa ka qabqabtay. Liiska dadka isagaa gacantiisa ku diyaariyay. Arrintaa waxay ku kala dhinteen Taliyihii Booliska ee dhintay Marxuun Cabdilqaadir Guraaye.

  • Waa ninkii markii ninka cad lagu dilay Dunbuluq yidhi “maxaa daanta madaw isaga geeyey marka hore”

  • Waa ninkii markii labada nin ee ay isku beesha ahayn boolisku dileen ku musanaabay “reer baa dilay” isagoo masuul nabadda ka ahaa ee diiday in la aaso aydadka. (Mujahid Muse Bixi ayaa maalintaa ku guntaday arrintaa inaan foolxumo iyo mashaqo ka dhicin isagaana gaadhigiisa ku qaaday maydkii oo xabaasha geeyey) Ilaa iminka arrintaa xal lagama gaadhin.

  • Waa ninkii ay agoomahu ku eedeyeen inuu gunadoodii ka cunay.

  • Waa ninkii odayaasha reer Hargeisa ee deegaanka Woqooyi iyo Galbeed soo xidhxidhay markay su’aalo ka weydiiyeen xuduudda degmooyinka Darasalaam iyo Lughaya iyo meelaha sanaadiiqdii doorashada la dhigi lahaa.

  • Waa ninkii odayaasha shiriyay ee yidhi soo saara baaq odhanaya dadka ka soo jeeda bariga Burco ha nooga baxaan Hargeisa.

  • Waa ninkii dayaaradda ka kacaysa Berbera joojiyay laba saacadood si caruurtiisa oo Hargeysa ka tegaysaa ay u sii raacaan. Markay tegeenna yidhi baasaboradii ayay soo ilaabeene ha la sugu dhawr saacadood oo kale inta Hargeisa laga soo qaadayo.

  • Waa ninkii labadii hablood ee ilma adeerka ahaa ee Raqiya Cabdilahi Omaar iyo Amina Maxamud caayay. (dhaqankeena waa waxyaabaha laysku dilo)
  • Waa ninkii Cabdalla Farax Xarbi u maleegay masabidka ee ku soo xidhay “xabaalahii gaalada ee Hargeisa ayuu burburiyay”. (arrintaa dadkii galay baan ahaa)

  • Waa ninkii dhacdadii aan loo baahnayn ee uu Jamac Maxamed Qaalib ku xidhay ee dadku ku dhinteen kaga jawaabay “qof iyo qabiil toona uga baqan maayo” isagoo ah masuulkii nabadda.

  • Waa ninkii boqor Cisman Buurmadaw intuu laamiga shacabka Hargeysa ku joojiyay yidhi “halkan aad sidaa ugu dhaqmaysaa waa Hargeysa ee Burco maaha” isagoo reer Hargeisa iyo reer Burcaba u wasiir ahaa.

  • Waa ninkii askartiisu ku dhirbaaxday ninkii ay London isku yaqaaneen ee is yidhi salaan. Wuxuu yidhi “gaadhigayguu usoo dhawaaday”

  • Waa ninkii Mujaahid Otto Bixi Calin iyo Muj. Bashe Fanax lacagta siiyay ee yidhi saxaafadda ku soo qora cay ku saabsan Mujaahidiint SNM oo Muse Bixi ka reeba. ( lacagtii way qaateen laakiin cid may caayin ee way fashiliyeen)

  • Waa ninkii caruurtiisa lagu eedeyeen inay dad badan waxyeeleeyeen oo qaarna dakhreen qaarna gawaadhi jiidhsiiyeen ee dadkii u soo ashkatooday xidhxidhay.

  • Waa ninkii isku deyay inuu si qabyaalada u rido Maayarka Hargeysa ee dadku ka hortegeen iyagoo isku duuban oo diidan falalkiisa isku dhaca abuuraya.

  • Waa ninka hadda lagu eedaynayo inuu lunsaday gunnadii askarta SPU ee ay NDP bixin jirtay.

  • Waa ninka dadku ku eedeeyaan inuu yahay booli cun musuqmaasuq ah oo dhulboob ku mamamy.

  • Waa ninka lagu eedaynayo inuu dad badan ku xidhxidhay xeerka degdegga ah oo ay dulmi jeelasha uga buuxaan.
Haddaba waxaan leeyahay isagoo intaa iyo boqolaal kale oo arrimood sameeyay qaarna lagu eedeeyay aan laba arrimood oo keliya ogaanno.

  1. Waa arrinta koobaade Ismaciil waxaynu maqallay durba in ciidan iyo CID iyo wax lagu wareejiyay oo gawaadhi laga qaaday oo haddidaad lagu sameeyay. Waxaan leeyahay sharciga uun si caddaalada ha loo mariyo haddii wax lagu haysto oo yaan laga gudbin sharciga isaga xaqiisa muwaadinmo yaan la seejin. Tuu ku dhaqmi jirayna yaan lagula dhaqmin. Aargoosi sharciga ka baxsan ma oggolin xitaa Ismacil haddii lagu samaynayo. Guddidan hadda Ismaaciil baadhaysa mid aanu indhaha faraha gardarro ka soo gelinini ma kuma jiro. markaa waxaan iyana kula dardaarmayaa inaanay sidiisii noqon oo ay aargoosi ka fogaadaan oo ay sharciga ku koobnaadan.

  2. Waa ta labaade markuu waxaas oo dhan samaynayay waxa soo dirayay oo dadka ku eegayay Madaxweynaha Mudane Dahir Rayaale Kaahin. Isagaa adeegsanayay oo gaashaan iyo garab u ahaa. Isagaa matagga siyaasadda isaga dhigayay. Waxaan xusuustaa markii odayaashu ka cawdeen caydii Raaqiya Oomar, waxa uu ugu jawaabay Madaxweynuhu “iyadaa kaga horraysay”. Markaa maanta inuu nagu jeediyo Ismaciil baan eryay oo aan sharciga si ka baxsan ula dhaqmayaa waxaanu ku farxayno ma aha. Maskii dabadii baa laga jaray ee madaxii wuu ku yaallaa, dabaduna way u soo baxdaa maska sida cidiyuhu inoogu soo baxaan hadday u soo bixi waydana waxba uma noqdo. Waxaan leeyahay Madaxweyne xeerka iyo shuruucda dhawr adna ha lagu dhawree.

UMADYAHAY YAAN CADDALADDA LAGA TEGIN.
Abdillahi Geeljire
Xubin Fulinta KULMIYE

No comments: