Thursday, June 08, 2006

Shirguddoonka Golaha Wakiilada Oo Diiday Inay Ansixiyaan Wasiiro iyo Ku-xigeeno Ka Dib Markii Uu Madaxweynuhu Ballanqaad Kaga Baxay

Shirguddoonka Golaha Wakiilada ayaa shalay dib ugu celiyey wasiiro iyo ku-xigeeno uu madaxweynuhu u soo gudbiyay in goluhu ansixiyo.

Shirguddoonka waxay ku sababeeyeyeen dib u celinta in wakhtigii loogu tala galay ee dastuuriga ahaa ee ay ahayd inuu madaxweynuhu soo gudbiyo liistada ay mudadeedii dhaaftay.

Hase ahaatee, ilo lagu kalsoon yahay waxay Somaliland Today u sheegeen in uu jiray hadda ka hor heshiis afka ah oo dhex maray madaxweynaha iyo shirguddoonka golaha wakiilada oo ahaa in uu madaxweynuhu Aamina-Waris shaqadaeedii sida xaq darrada ah looga qaaday u celiyo, shirguddoonkuna uu qiil u raadiyo sidii loo ansixin lahaa liiskan wasiirada iyo ku-xigeenada ah oo uu madaxweynuhu doonayay inuu goluhu u ansixiyo.

Golaha wakiilada ayaa dhinacooda iyaguna shalayto ku gacan saydhay inay ansixiyaan wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada uu madaxweynuhu soo hor dhigay golaha ka dib markii madaxweynuhu hore u jabiyay heshiiskii ahaa inuu horta Aamina-waris shaqadeedii sida xaq darrada looga qaaday dib ugu celiyo.

Madaxweyne Riyaale ayaa la sheegay inuu dhawr ballan qaad oo hore uu kaga baxay shirguddoonka golaha wakiilada taas oo uu guddoomiyaha kowaad ee golaha wakiiladu, Cabdicasiis Maxamad Samaale, uu sheegay bishan May 9dii inay “quus ka taagan yihiin in xukumadu fuliso go’aamadii ka soo baxay golaha wakiilada”.

No comments: