Friday, July 28, 2006

Cali Geedi Iyo Cabdillaahi Yuusuf Oo Leexsaday

“Waxaad Xisaabta Dawladda Lr A/N 1074917000107 Ka Saartaan Hal Milyan oo Doollar Oo Lagu Wareejinayo Account-ka Uu Baankiinu Ku Leeyahay Muuse X. Cabdi” Qoraal Cali Maxamed Geedi ku amrayo Bank ku yaalla Jeddah.

Dubai, UAE, July 26, 2006 (Haatuf) – Waxa soo ifbaxay calaamado iyo caddaymo muujinaya in Madaxweynaha xukuumadda Embagathi ee Somalia, Cabdillaahi Yuusuf iyo Ra’iisal-wasaarihii Cali Maxamed Geedi ay si shakhsi ah ugu tagri faleen kaalmooyin dhaqaale oo lagu qiyaasay Malaayihiin doollar oo ay beesha Caalamku ku caawisay dawladda ay madaxda ka yihiin.

Xukuumadda Embagathi oo dhismaheeda ay wada-jir u qabteen urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Yurub (EU), waxa tan iyo intii dalka Kenya lagaga dhawaaqay 2004, ayaa waxa la ogyahay inay beesha caalamka ka heshay kaalmo weyn oo gaadhaysa ugu yaraan dhawr boqol oo milyan, kaalmooyinkaas oo isugu jira lacag toos loo siiyay dawladda Embagathi iyo mid lagu maalgelinayay mashaariic ay iyadu gacanta ku hayso, waxaana xoogeeda bixiyay dalalka Carabta ah ee saliidda ku hodanka ah iyo Midowga Yurub.

Hase yeeshee deeqahaas qaybo ka mid ah waxa dano gaar ah oo shakhsiyeed u leexsaday masuuliyiinta sar-sare ee xukuumadda Baydhaba.

Musuqmaasuqan ku baahay dawladda Embagathi waxa tusaale ahaan loo soo qaadan karaa qoraalo ra’iisal-wasaare Cali Maxamed Geedi uu u dirayo Baanka Jeddah ku yaalla ee magaciisa la yidhaahdo “National Commercial Bank” iyo wakiilka Dahabshiil ee Jeddah, qoraaladaas oo Cali Geedi muddo toddobaad ah oo ka mid ah bishii October ee 2005, ku leexsaday lacag dhan hal milyan oo doollar oo ku jirtay Account ay dawladda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ku lahayd laanta Jeddah ee “National Commercial Bank”, lacagtaas oo uu ku wareejiyay Account Dahabshiil ku leeyahay Baankaas laftiisa.

Qoraalkaas uu ra’iisal-wasaaruhu lacagta kula wareegay oo ku taariikhaysnaa 13 Oktoobar 2005, sumadiisuna ahayd OPM/085-J/05, wuxuu u qornaa sidan:

“Ku: Cabdul Kariim Abu Annasar,Maareeyaha Guud ee National Commercial Bank, Jeddah, Saudi Arabia.

Waxaan halkan idiinka codsanayaa inaad si sharaf leh noo ogolaataan inaad laantiina Baabul Maka noogu amartaan inay lacag kaash ah oo u dhiganta hal milyan oo doollar nooga saaraan Account-ka Lr. A/N 1074917000107 ee xukuumadda ku meel-gaadhka Federaalka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, isla markaana lacagtaas oo marka Riyaalaad loo rogo noqonaysa saddex milyan toddoba boqol iyo konton kun aad ku wareejisaan Account-ka baankiina uu ku leeyahay Muuse X. Cabdi.”

Dhinaca lacagta kaalmada ee Midowga Yurub siiyo dawladda ku-meel-gaadhka ah ayaa la sheegayaa in si ba’an loo musuqmaasuqo oo aanu jirin wax raad-raac xisaab-celineed ah oo lagu ogaan karo sida dhabta ah ee kaalmadaasi loo isticmaalo.


Xigasho: Haatuf.net

No comments: