Thursday, July 27, 2006

Magacyada ilaa 18 wasiir oo ka tirsan dowladda KMG ah oo is casilay

Mogadishu - 27-July-2006-Allceeldheer.com ilaa 18 wasiir ayaa ilaa iyo iminka saxiixay qoraal istaqaalad ah oo ay isaga casilayaan jagada ay ka hayeen dowladda KMG ah ee Somalia, ka dib markii ay ku sheegeen sababta is casilaadooda in xukuumadda KMG ah ay soo galineyso dalka ciidamo Ethiopian ah oo ay ku weerarto magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan wasiiro kale oo iyana la filayo in ay is casilaan.

Magacyada ilaa iyo hadda wasiirada is casilay.

1. Wasiirka howlaha guud iyo Guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato.
2. wasiirka xiriirka xukuumadda iyo Baarlamanka C/raxmaan Aadan Ibbi.
3. Xuseen Maxamuud Maxamuud, Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare
4. Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmo dheere, wasiirka reer Miyiga.
5. Cabdi Maxamed Tarax, wasiirka warshadaha,
6. Maxamed Cabdulaahi Sahal, wasiirka iskaashatooyinka
7. C/kariim Axmed Cali, Wasiirka macdanta
8. Fowsiyo Maxamed Sheekh Wasiirka haweenka iyoq oyska
9. Farxaan Cali Maxamuud, wasiiru dowlaha qorsheynta iyo xiriirka caalamiga.
10. Maxamed Cali Bilaal, WasiirK/xigeenka Beeraha
11. Muqtaar Maxamed yuusuf, wasiir K/xigeeenka wasaaradda waxbarashada,
12. C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur, Wasiir K/xigeenka shaqada iyo shaqaalaha.
13. Caamir Sheekh Maxamed Wasiir K/xigeenka owqaafta.
14. Ibraahim Xuseen Cali, Wasiir K/xigeenka Batroolka.
15. Ibraahim Maxamed Deeq, wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta.
16 Maxamed Jaamaca Furux, Wasiiru dowlaha dekedaha.
17. Xuseen Cismaan Xuseen, wasiir K/xigeen
18. Axmed C/raxmaan, Wasiir K/xigeen.


CNM

allceeldheernews@yahoo.com

No comments: