
Guddoomiyaha golaha shuurada ayaa sheegay in isaga iyo danjiraha dalka Talyaaniga ay ka shireen shirka Khurtuum ee ka furmaya bartamaha bishan aanu ku jirno iyo sida lagama maarmaan ay u tahay in fursadaasi qaaliga ah looga faa'iideysto.
Sheekh Xasan ayaa sidoo kale kala shiray ergayga dalka Talyaaniga arrimaha bini aadanimada iyo doorka dawladda Talyaaniga kaga aadan caawimaada shacabka Soomaaliyeed oo ay soo wajaheen dhibaatooyin kala duwan.
Ergayga dalka Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa u sheegay guddoomiyaha golaha shuurada in dawladdiisa ay diyaar u tahay in Soomaalida ay ka gacan siiso dib u dhiska dalka, isaga oo u ballan qaaday in dawladdiisa ay sii wadi doonto kaalmada ay u fidiso Soomaalida.
Waa kulankii ugu horeeyay oo dhex mara Guddoomiyaha golaha shuurada maxaakimta islaamiga iyo dublumaasi ajnabi ah, taasi oo dhabar jab ku ah qorshaha Mareykanka uu ku doonayay in uu ku go'doomiyo guddoomiyaha golaha shuurada maxaakimta islaamiga oo ay sheegeen in aysan la macaamili doonin.
No comments:
Post a Comment