Saturday, July 08, 2006

Maxkamadaha oo xalay Joojiyey Xaflad Aroos oo ka dhaceysay Xaafada Huriwaa

Muqdisho:- Maleeshiyooyinka Maxkamaddaha Islaamiga ee Muqdisho ayaa xalay cagta mariyey goob ay ka dhaceysay xaflad Aroos.

Goobtan oo ku taal xaafadda Huriwaa ee magaaladda Muqdisho ayey weerar ku qaadeen maleeshiyooyinka Maxkamadda Ridwaan ee xaafaddaasi ka dhisan.

Maleeshiyooyinka oo jir dil u geystay qaar kamid ah dadkii halkaasi isugu yimid iyo fanaaniin la sheegay in ay ka heesayeen xafladda.

Maxkamadda Ridwaan ayaa sheegtay in ay falkaan sameeyeen kadib markii laga dhego adeegay amar ahaa in aan wax musiko ah halkaasi laga sameyn.

Maleeshiyada Maxkamadda ayaa la wareegay dhamaan qalabkii musikada halka ay qaar kalena ay jajabiyeen.

Qaar kamid ahaa dadkii Xaflada Arooska ku sugnaa ayaa xalay loo dhigay Xabsiga Maxkamadda.

Waa markii ugu horeysay oo ay maleeshiyooyinka Maxkamaddaha ay khal khal geliyaan xaflad aroos ayadoo ay hada soo shaac baxeyso amaro la xariira in aan Musikada laga sameyn karin xafladaha Aroos oo ay had iyo goor Soomaalida lagu yaqaan in ay kusoo bandhigaan heeso iyo ciyaaro kale oo loogu dabaal degayo xafladaha Arooska.

Maxkamaddaha ayaa hadda kahor weeraro noocaan ah ku qaaday goobaha lagu daawado Koobka Ciyaaraha Adduunka, oo markii ugu danbeysay labo qofood ku dilay degmada Dhuusa-Mareeb halkaasi oo ay maleeshiyooyinka Maxkamaddaha rasaas ooda uga qaadeen dad daawanayey Ciyaartii is reeb-reebka koobka aduunka.

HorseedNet.com

No comments: