Wednesday, July 12, 2006

Ilaaladda Madaxtooyadda Somaliland oo lagu amray inay dadka hoowlaha ka leh Madaxtooyada ka reebaan telefoonadda gacanta ee Mobiles-ka loo yaqaan!1 m

Ciidamadda Amaanka ee Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilaabay inay dadka wata telefoonadda gacanta ka reebaan xilliyadda ay gelayaan ilinka hore ee qasrigga.
Sida uu daabacay Wargeeyska Afka dheer ee Geeska Afrika,kana soo baxa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa,qaar ka tirsan Saraakiisha Madaxtooyadda ee dhinaca amaanka ayaa Mas’uuliyiinta qaar ku qanciyay digreetooyin qoraala oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Nuux Axmed Cismaan,taas oo Ilaaladda amreeyso inay dadka hoowlaha ka leh Madaxtooyada ka reebaan telefoonadda iyo waxyaabaha kale sida Jantasiigarka lagu qarxisto sigaarka.

Inkastoo aan si cad loo garan karin sababaha dhaliyay amarkaas cusub hadana ila xog ogaala ayaa sheegaya inuu amarkaas yimi kadib markii Sirdoonka heleen ,inay jiraan kooxo qorsheeynayo falal is miidaamin iyo xog aruurin dhinaca Madaxtooyadda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegaa inuu ka mid ahaa Nabadsugidii hore ee dowladii Maxamed Siyaad,waliba raggii ugu caansanaa ,taas oo muujineeyso inuu yahay Xeeldheere dhinaca la socodka dhaqdhaqaaqyadda ka dhankaa danaha qaranka iyo shacabka Somaliland.

No comments: