Wednesday, July 12, 2006

Dowladda federaalka oo sheegtay in uu Max’ed dheere isu soo dhiibay

Waxaa shalay galab soo gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe ahna xubin ka tirsanaa Isbaheysigii burburay ee la dagaalanka argagixisada Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere) iyadoo halkaasina ay ku soo dhoweeyeen xubno u ka mid yahay ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi.

Maxamed dheere oo uu socdaalkiisa ku wehliyey xildhibaan Abaadir Sheekh Isxaaq Cabdulle oo ay iskala yimaadeen deegaanka Qurac Joome ayaa markii u gaaray magaalada Baydhaba waxa uu kulan ay albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, ra’isul wasaare Geeddi iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya, iyadoo ilaa haddana aan si rasmi ah loo shaacin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Afhayeenka xukuumada federaalka C/raxmaan Nuur Max’ed (Diinaari) ayaa sheegay in Max’ed dheere uu isku soo dhiibay dowladda federaalka, isaga & maleeshiyooyinkii uu watay, waxaana Max’ed dheere tegitaankiisa Baydhabo uu ku beegmay xilli lagu wado in ay wadahadalo mar labaad isugu yimaadaan magaalada Kahrtuum ee dalka Suudaan dowladda federaalka & midowga maxaakiimta.

Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere) ayaa hogaamiyihii kooxeedkii ugu horreeyey ee gudaha dalka ku soo dhoweeyey dowladda federaalka garab ka mid ah, waxaana muddadii ay magaalada Jowhar xarunta u aheyd dowladda federaalka lagu xusuustaa in halkaasi ay ka jirtay xaalad ammaan oo aad loogu diirsaday, inkastoo markii ay dowladdu go’aansatay in ay Baydhabo farriisin ka dhigato Max’ed dheere uu warbaahinta u mariyey madaxweynaha dowladda federaalka oo Jowhar ka door-bidayey Baydhabo hadaladii ugu adkaa ee la yiraahdo mas’uul madaxweyne ah, mana jirin wax haba yaraatee uu hanbeystay Max’ed dheere.

No comments: