Saturday, July 01, 2006

Taageerid Shirweynaha SNM ee Magaalada Burco

Waxa farxad balaadhan, faan weyn, iyo reenreyn inoo wada ah inay mar kale hanqalka la soo kaceen Mujaahidiintii SNM ee ummadan iyo dalkan xoreysay ee keentay calankan quruxda badan ee Towxiidku ku ladhan yahay ee ina dul babanaya iyagoo maantana mar is xilqaamay isuna taagay inay badbaadiyaan ummadda, qadyadda, iyo jiritaanka dalkooda hooyo ee Somaliland ee kuwa aragtida gaabani cadowga u loogayaan.

Ka dib markii ay Mujaahidiintii SNM ay mar kale hanqalka la soo kacday, ayaa Xukumaddii iyo xulufadeedi ee ka mas’uulka ah marxaladan adag iyo siyaasadan murugsan ee ay ummada iyo dalka la beegsadeen taasoo ka rsoconweyday, ayey sidii oday geeli ba’ay ay isku dhex yaaceen oo uu xitaa Madaxweynuhu iyo Madaxweyne Ku-Xigeenkuba ay hada ku hadaaqayaan kelmadaha sida “marxalad adag ayuu dalku ku jira” “waxa dhibka lagaga bixi kara midnimo”, “talo qaran baa loo baahanyahay”, iwm taasoo hore looga waayey!! Hada bal kuwa manta is miskiiminaya ee sidaas u hadlaya, waa kuwii mar walba odhan jiray “waxwalba iyo dalkuba sidii loogu talo galay ayey u socdaan”, “dalku wuxu marayaa halkii ugu ficnayd”, iwm.

Hadaba, su’aalaha meesha yaala waxa weye, haddii waxa ay ku hadaaqayaan ay dhab ka tahay:
Waa maxay sababta ay xukumadu u abuurtay marxaladan adag ee uu dalku manta maraayo?
Waa maxay sababta ay Madaxtooyadu, Golaha Gurtida, iyo Maxkamadda Sarre uga noqon la’ yihiin mudo kordhintan dheer ee afarta sannadood ahi iyo qaabkii loo marayba ee Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal baal marsan?

Waa maxay sababta ay xukumadu ay siyaasada dalka had iyo gooraale u murginayso?
Waa maxay sababta ay xukumadu xaalad abuurka joogtada ah ay ummada iyo dalka ugu fulinayso?

Waa maxay sababta ay xukumadu sida joogtada ah ugu tuntaan Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal?

Madaxweynuhu, xukumadiisu, iyo xisbiga UDUB ma Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal ayey ka sareeyaan?

Run ahaantii, waxa iska cad in xukumadan indhaha la’, dhegaha la’, iyo aragtida gaabani ay ka soo horjeedo nabadgelyada, danta guud, maslaxada ummada, iyo guud ahaan horumarka dalka taasoo keentay in Somaliland u nuglaato cadow jiritaankeed baabi’in raba inkasto aaney riyadoodaasi sinaba ugu suurobi doonin.

Waxa kale oo inagana ina haysta waa abaalka dhicii aanu ku sameynay Mujaahidiintii SNM (kuwoodii shahiiday iyo kuwooda nool) ee xoreynta ummadan iyo dalkan u soo maray halgan dheer oo qadhaadh kaasoo ay u hureen wakhtigoodii, danahoodii, maalkoodii, hantidoodii, muruqoodii, dhididkoodii, ilmadoodii, dhiigoodii, iyo naftoodiiba ee halkii aanu kuwooda nool kor u qaadi lahayn una abaal gudi lahayn aanu daneyn weynay cadowgoodina u jebinay taasoo keentay in cadowga gudahu uu horteena indhaheena oo shan ah uu ku amar taagleeyey, ku takooray, ku cunaqateeyey, ku macaluulshay qoysaskoodii iyo caruurtoodii, ku iyo ku dayacay agoomahoodii, iyo sabooliyey kuwooda cidamada qaranka ku jirana ee xitaa gunooyinkoodii yarayd laga musuqmaasuqay sidii cidankii Birmadka ee dhowaan gadooday, iyo kuwa jiida hore ee Adhicadeeye ee lagu xanibay cidladaas ee ay naftu ku keliftay inay hubkooda iibshaan si ay caruurtoodu u sii yara noolaadaan.

Sidaa daraadeed, waxa haboon in maanta hiil iyo hooba loo fidiyaa fadhigana laga kaco, gacmaha la is qabsado laga soo horjeesto kuwa qadyadeena iyo maslaxadeena werarka joogtada ah ku haya oo si cad oo hagar la’aan ah loo taageero Shirweynaha Mujahidiinta SNM ee ka dhici doona Burco, magaalo madaxda labaad ahna hooyadii Somaliland taariikhda 15 July 2006.
Guul iyo Gobanimo,

Farah Ali Jama,

Ottawa, Canada.

No comments: