Saturday, July 01, 2006

Wadamo ku jira Jaamacadda Carabta iyo IGAD oo isu-bahaystay in Madaxweyne Rayaale ka qayb galin shirka AU-da ee dalka Gaambiya

Hargeysa, July 01, 2006 (Somalinad Today)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo la filayay inuu safar ugu baxo shalay magaalada Banjul ee xarunta dalka Gaambiya, Galbeedka Afrika, si uu uga qayb galo shir maanta uga furmaya hogaamiyayaasha wadamada Midowga Afrika ayaa baaqday ka dib markii sida la sheegay muran ka dhashay ogolaanshaha in lagu marti qaado inuu ka soo qayb galo shirkaa Madaxweyne Rayaale.Warkan oo aan si rasmiya daboolka looga qaadin waxay warar lagu kalsoon yahay tibaaxeen in Madaxweyne Rayaale oo hore wadamo ku yaala koonfurta iyo bariga qaarada Afrika taageero uga helay inuu ka qayb gelo kulanka madaxda midowga Afrika ay si toosa isu hortaageen wadamo ay ka mid yihiin Masar iyo Suudaan, kuwaas oo la sheegay inay ku hanjabeen inay qaadacayaan ka qayb galka kulanka Banjul haddii uu ka qayb galo madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in dawlada Masar qoraal ay u dirtay gudoomiyaha AU-da Yahya Jamme oo ah Madaxweynaha Gaambiya ku cadaysay mawqifkeeda ay kaga soo horjeedo ka qayb galka shirka ee Madaxweynaha Somaliland, kaasoo la sheegay inuu ka dhex abuuray muran iyo cadho madaxda midowga Afrika ayaa ugu dambeyntii lagu dhammeeyay in dib loo dhigo xiligan ka soo qayb galka Madaxweynaha Somaliland.. Dalka Masar ayaa waxa uu si weyn u diidan yahay qadiyada madax banaanida Somaliland oo uu u arko inay wiiqayso danaha ay ka leedahay Geeska Afrika, taasoo salka ku haysa in dawlad mida oo Soomaaliyeed lana col ah Itoobiya ka jirto mandaqada Geeska Afrika, si ay ugu adeegsato muranka biyaha Nileka ee ka dhexeeya dawlada Itoobiya iyo dalkeeda.

Dhinaca kale diblomaasi reer galbeed ah oo fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegay in laba dal oo ku yaala Bariga Afrika ay ka soo horjeedaan in Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ka qayb galo shirka Midowga Afrika.
Diblomaasiga oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika waxa uu intaa ku daray in xiligii uu safarka wadamada Afrika ku jiray Madaxweyne Rayaale uu mid ka mid ah labada wadan kala kulmay carqalad dhinaca qaabilaada ah, halka dalka kalena aanu tagin madaxweynuhu balse uu u diray mid ka mid ah wasiiradiisa, kaas oo aan guul ka soo hoyn.

Diblomaasigan reer galbeedka ahi waxa uu ka cudurdaartay in uu magacaabo labada wadan ee uu sheegay in ay Somaliland caqabada ku yihiin, balse waxa uu sheegay in uu isagu saaxiib la yahay Somaliland ugana digayo go’aanka labadaasi wadan oo uu ku tilmaamay in ay cadow u yihiin Somaliland.

Shirka maanta uga furmaya hogaamiyaasha Midowga Afrika dalka Gaambiya, waxa ka mid ah ajandayaasha horyaala warbixin ku saabsan Somaliland oo ay ka diyaariyeen wefti ka socday Midowga Afrika oo uu hogaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka AU……. Oo socdaal xaqiiqo raadis ah ku yimid Somaliland kal hore.

Source Geeska

No comments: