Friday, August 25, 2006

Allow Doori Baa Ka Haboon Allow Dumidaad Ku Habaartay (jawaab qoraalkii M. Bashe)

Allow Doori Baa Ka Haboon Allow Dumidaad Ku Habaartay (jawaab qoraalkii M. Bashe)

Saxiibkay Maxamed Baashe waa qoraa aan qalinkiisa aad aan u jecelahay. Maaha farshaxanka buugagtiiso qudha kuwaan la dhacay balse qoraalada uu marmar ku soo tuuro shabakada internetka ayaan si gaara u raadsadaa. Markanse qoraalkiisii u danbeeyay waa qoraalkuu ugu magac daray Allow Dumi Waa Hungee!! Wuxuu igu noqday filan waa.

Aduunyadu waa sagaal oo marna toban ma-gaadhaa la yidhi, talaabo markaad gees u qaadana, taakaa kaa dhiman oo tukalaa meel kaaga hirta. Dadkuna dareenkooga iyo qancinta naftooda rabi umuu simin. Midbaa in Xun-arag ah oo dareenkiisu inta dhiman uun uu tusaa, halka ku kaloo Insan-arag ahna waxba ayna ka dhinayn oo dareenkiisu inta buuxduun uu tuso. Kala duwanaanshaha labadan iyo hirdanka dooddoodu, dhaqan weeyi soo jireen ah, dhaqan weeyi mar muran dhaliya iyo kala qaybsanaan, marna is qancin iyo wax isu sheeg lagu xaliyo.

Inkastoo dareenkayga uu gilgilay deelqaafka iyo darjiidhka wasiirku, inkastoo dareenkii ka dhashiyo digniinta aan kula qabo, in kastooy diciiftahay, darajadaan siinayo dawlada maanta joogta, hadana inaan seef la bood noqdoon durba habaar dusha ka saaro, dareenkayga may galin.
Duminta aad ka dhawaajisaana doodan iga keentay suáalna igu abuurtay: Dumintu mayna habaar ahayn?, dumintu mayna ahayn tii shay aanad dan ka lahayn, doorina aad kala quusatay iyo dibu habayn lagu sameeyo lagula dhaqaaqi jiray? Duminta mayna ka haboonayn adoo doorin ku sameeya iyo dibu habayn? Allow Dumi mayna Allow Doori ka haboonateen ilayn dayr weeyi daad inagag gudbane. Doorintu marna habaar bay noqotaa marna duco balse dumuntu habaar mooyee duco ma gasho.

Abdirahman Jama

Holland

Maandeeq2@yahoo.com

No comments: