Friday, August 25, 2006

MADAXWEYNE RIYAALE OO LAGA YAABO INAANU KAL DAMBE MADAXWEYNANIMADA ISU SOO SHARRIXIN

London, August 25, 2006 (Somaliland Today)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dahir Riyaale Kaahin, ayaa laga yaabaa inaanu kal dambe isu soo sharrixin tartanka madaxweynanimada Somaliland ee April 2008 sida ay sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo oo aad ugu dhaw dhaw madaxweynaha. Ilahaas oo u warramay Somaliland Today, shuruudna ka dhigay inaan la magacaabin, waxay xaqiijiyeen in madaxweynuhu sheegay inaanu mar dambe isu soo sharrixi doonaan tartanka madaxweynanimada dalka ee April 2008. Warku ma sheegin, mana faahfaahin waxa kalifay ama sababay inaanu madaxweynuhu mar dambe isa soo sharrixi waayo.

Somaliland Today umay suuragelin in si madax bannaan ay meelo kale uga soo xaqiijiso warkaas.


Madaxweyne Riyaale ayaa cambaarayn xoog leh ay ku hayeen xisbiyada mucaaradka ah tan iyo intii uu xukunka gacanta ku dhigay ka dib markii uu ku fashilmay inuu dawlad tayo leh soo dhiso.


Madaxweyne Riyaale ayaa illaa immika ah guddoomiyaha ururka siyaasiga ah ee UDUB ee talada waddanka haya.


Somaliland Today Newsdesk.

No comments: