Sunday, August 27, 2006

Cadowga Inoogu Weyni Waa Wadaadadda Reer Somaliland

Waxaan salaamaya dhamaan akhriteyaasha wararka Somaliland. Beryahan waxaad wararka ku soo batay dad ku doodaya Somaliland waa cilmaani iyo wadaaddo ayey Somaliland xidhey. Anigoo dadkaa u jawaabaya waxaan leeyahay.

Dadkiinan u hadlaaya inaad idinku leeydiihiin diinta islaamka, waxii sidiina sameyn waayana iney yihiin kufaar. Haddii aan taariikhda dib ugu noqono waxaa idinku mataali karaa taalibaankii Afqanistaan, wadaaddkii waalaayee Maxamed Cabdalle Xasan.

Taalibanku wax walba waa xaaraan ayey ku timaameen haddii ay kugu soo cadeeyaan inaad maalin salaadu ka tagtey, xaaskaaga waa kaa xaaraanbay yidhaahdaan, dabadeed iyagaa guursadda. Caruurtii yar-yared ayey gacmii ka gureen marka la yidhaahdo waxbay xadeen, iyagoon waydiin wixii ku kalifay. Waxaan qabaa inaan ilmo yar oo gaajoonaya oo ah 15 ama 16 iney xaaraan tahay in gacanta laga jaro, hadduu wax xado. Tv-iigii iyo kamaradahii ayey yidhaahdeen waa xaaraan, si ay dadka casri jaahiligii ummada ugu celiyaan. Saabuunta jidhka waa xaaraan ayey yidhaadeen, dabadeed nolosha ayey ku ureen ileyn waa qof biyo cad oo keliya ku maydhee.

Maxamed Cabdulle Xasana siddii taalibaanka iyo mid ka sii xun ayuu ula dhaqmi jirey dadkii Somaaliyeed. waliba isaga waxaa u dheeraa haddii aad askari u tahay uu yidhaahdo ku duul reerkiina ka dib markaad adeeradaa iyo walaaladdaa soo qabotana uu kugu qasbi jirey inaad waxii nool adigu gacantaada ku disho, isagoo leh way xujoobeen waaney gaaloobeen, dabadeed xoollaha reerka sidaa ayuu ku kaxeysan jirey, dumarkana daraawiishtiisuu u guurin jirey, caruurtana madaariskiisa ayuu ku dari jirey si ay hadhow ugu noqdaan askar.

Dadka caadifiyada diimeed ku shaqaysanaya ee siyaasadda xukun-doonka ahi ka danbeyso, Somaliland filimkaa horey u gashay, kii Maxamed Cabdale Xasan iyo kuwii ka danbeeyeyba markaa haddana waxaanu ka taaganahay halkuu iska taagey, Cali Jaamac Haabiil, markuu Maxamed Cabdalle Xasan reer Somaliland gaalo ku sheegey.

Waxaana idinka hadlinaaya waa kuwa wadaadda isku sheegaaya ee aan hore u soo sheegey kuwo ka sii-liita ee Xamar qabsadey. Waxaaney xoogooda isagu geeyeen dumar iyo caruur, dumarka oo ay xaqooda ka qaadan oo ay toban toban u guursadaan iyo caruurtey, intey yar yaryahiin been ku afuufaan si ay markey u weynaadaan askar ugu noqdaan. Hablahana 9 jir ku guursadaan, laakiin markey rag iska hor yimaadaan aad bey u dheereeyaan sidii ay horeba ugu yaaceen daraawissh isku sheegtii oo hor kaci jiray waadaadd isku sheege: Ina Cabdalla Xasan ee la jebiyey.

Waxuu yidhi Cali Jaamac Haabiil:

1. Indhaweydba waataanan tirin taawadii gabaye
2. Ta'da niman aqoonnini intuu tubaya baanaayo
3. Way iga tadheeyeen halkii malabku tuurnaaye An tumaati rido waataa murtida igu tuhmayseene
4. Tawraad iyo Injiil iyo Furqaan kala tol weeyaane
5. Toolmoonihii Maxamed(NNKH) baw tegey Ilaahaye
6. Tawxiidkuu na faray looxyaday noogu taal weliye
7. Waa tiir aan naga liicihayn taannu leenahaye
8. Waxa lagu tilmaansado sharciga malaha tuurtuure
9. Rasuulkii (NNKH) wuxuu naga tiruu taabka ku hayaaye
10. Tacabkii ba' waa sida Fircoon tab iyo diinaade
11. Isagaba Badbaa lagaga tegey naarna lagu tuurye1
2. Kanna taakadaas baw hadhoo waa tukubayaaye
13. Ha targaafo sida Towja geel Tuurin baw qorane
14. Afartaa ma taranteerrinine maysku wada tiirshey
15. Togaggaan ka soo qaadan jirey Taar ma kaga keenay
16. Tuduc kalena way hadal yaroo tamashle waayeel ah
17. Toogtii horeetuu isaaq taw ka soo yidhiye
18. Tamaradii Ilaahay ka qaad Timihi Daaroode
19. Arasame ma tooxsado fardaha takhantakhoodiiye
20. Tafantoofe nimankii Nugaal taysa ku lahaaye
21. Maxamuud Garaad turunturruu weli la tiicaaye
22. Barkadkii tumaadida caddaa tuhunki waa beene
23. Teed laguma oga Bahararsamii turuqa weynaaye
24. Garaadka ay tumaaluhu dileen taawishaa ba'ane
25. Tolkood nimanka iibsadey Ilaah tacabki waa siinne
26. Tawstuna Cali Geri bay ku hadhi taniyo xaataaye
27. Talaatiinka Ramadaan ninkii idin takliifaayey
28. Toobadda iyo Ash-haadada ninkii idin taraarsiiyey
29. Hadduu Teerigii idinla helay nalagu taamaayey
30. Tunka ka leefa dhiigiyo ilmada idinka tiixaysa
31. Hadaba toogga baxa waa janada talalaxdeediye
32. Tureecada day waataad kufriga nagu tilmaanteene
33. Toddobuu qabaa naaga xora tuu falaa darane
34. Kun towxiidsanaayuu sidii Teys u gawracaye
35. Taag niman lahayn iyo agoon buu ka taajiraye
36. Safar waa la taakulin jiree lama tayiiseyne
37. Isna turuqyaduunbuu jaraa timirta cuurtaaye
38. Taladii Ilaahay ka qaad tuuggi reer Xamare
39. Ma Talyaanigaasaa mahdiya tanina waa yaabe

Xigasho: www.hoygasuuganta.com

Muuse Saleebaan

Vice-President Somaliland Community Group,

New York- City

No comments: