Friday, August 25, 2006

DAREENO CADHO LEH OO KA DHASHAY HESHIIS LA SHEEGAY IN MADAXWEYNE RAYAALE LA GALAY XUKUUMADDA INGIRIISKA

Hargeysa, August 24, 2006 (Somaliland Today)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Wasiirkiisa arrimaha dibadda Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo martiqaad ku tagay wadanka Ingiriiska ayaa la sheegay inay qallinka ku duugeen oo ay saxeexeen heshiis dhigaya in dalka dib loogu soo celiyo dadka reer Somaliland ee aan haysan sharciga degenaanshaha Ingiriiska.

Sida ay sheegeen warar xogogaal ah oo aanu ka helnay dalka Ingiriiska heshiiska ayaa, waxa heshiiskaas dhinaca Ingiriiska u saxeexay Wasiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan Qaaradda Afrika Mr. Lord Treisman, dhinaca Somaliland-na wararka qaar ayaa sheegaya inuu saxeexay Madaxweyne Rayaale halka kuwo kalena sheegayaan inuu saxeexay Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Lama hayo warar faahfaahsan oo ku saabsan tafaasiisha heshiiska, hase yeeshe waxay warar hor dhaca ahi tibaaxayaan inay xukuumadda Somaliland ogolaatay in dalka dib loogu soo celiyo dadka reer Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska, balse ku guuldaraystay inay helaan sharciyadda degenaanshaha wadankaas, waxaanay arrintani ku soo beegantay xilli dawladda Ingiriisku baahi weyn u qabto inay dalkeeda ka masaafuriso Ajaanib tiro badan oo dalkeeda kaga soo haajiray qaaradaha Aasiya iyo Afrika.

Waxa dalka Somaliland badhtamihii sannadkan socdaalo ku yimid Masuuliyiin sare oo ka socota Wasaaradaha Arrimaha dibadda, Gudaha iyo Waaxda Socdaalka ee Wadanka Ingiriiska kuwaas oo xilligaas la sheegay inay u socdeen taakulaynta Waaxda Socdaalka ee Somaliland iyo arrimo kale, waxa la rumaysanyahay in safarkoodu salka ku hayay heshiiskan la sheegay in hadda la kala saxeexday, inkasta oo aanay xukuumadda Somaliland weli si rasmi ah ugu dhawaaqin.

Inkasta oo la sheegay in Xukuumadda Ingiriiska iyo weftiga Madaxweyne Rayaale ka wada hadleen arrimo kale oo ay ka mid yihiin xaaladda ka aloosan Mandaqadda Geeska Afrika iyo xoojinta qaar ka mid ah hay’adaha amniga ee Somaliland, haddana waxay wararku sheegayaan in arrinta ugu mihiimsan ee xukuumadda Ingiriisku martiqaadka ugu fidisay Madaxweyne Rayaale dulucdiisu ahayd soo celinta qaxoontiga Somaliland ee aan weli helin sharciga Ingiriiska.
Dadka Ajaanibka ah ee ay dawladda Britain doonayso inay dalkeeda ka masaafuriso sida ay wararku sheegayaan waxa ka mid ah dad badan oo reer Somaliland ah. Hase yeeshe Masuuliyiinta Ingiriisku mar walba waxay dadka Soomaalida ah ku eegayeen aragti taxadar leh qorshahana uguma jirin inay ku degdegaan masaafurinta dadka Soomaalida ah ee aan sharciga lahayn, waxaanay Masuuliyiinta Ingiriisku sidaas u yeelayeen iyada oo aanay sharcigooda ugu jirin inaanay cidna khasab ku masaafurin dadka ka soo haajiray dalalka qalalaasuhu ka jiro. Sidaas darteed waxa dadka Soomaalida ah lagu tiriyaa dadyawga aanay dalalkooda ka jirin xasilooni iyo kala dambayni.

Dhinaca kale, soo if baxa heshiiskani ayaa waxa si weyn loogu hadal hayaa maalmihii u dambeeyay wadanka Ingiriiska iyo dalkaba, waxaana soo baxayay dareeno isku mid ah oo ka turjumaya sida looga soo horjeedo.

Goobo dadka Somaliland ku kulmaan oo ku yaala wadanka Ingiriiska ayay wararka qaar sheegayaan in ay isku gacan saareen dad taageersanaa tallaabada xukuumadu qaaday iyo kuwo ka soo horjeeday.

Sidoo kale dadweynaha Magaalada Hargeysa ayaa aad looga maqlayay hadal haynta warka ku saabsan heshiiska ku saabsan soo celinta qaxoontiga ee la sheegay inuu Madaxweyne Rayaale la saxeexday dawladda Ingiriiska, waxaanay inta badan dadku ku tiraabayeen hadalo muujinaya sida ay heshiiskaas uga soo horjeedaan, “Xaggee ayuu Madaxweynuhu ku soo celinayaa dadka, ilayn kuwii hore ayaaba la la’yahay meel la geeye oo noloshoodu adagtahay” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadka ka soo horjeeda heshiiskaas.

Axmed Cali Maxamed oo isaguna degen magaalada London ayaa yidhi, “Madaxweyne Rayaale Inankiisa ayaa London bilaa sharci ku jooga ee horta isaga ha soo kaxaysto.”
Dadka Somaliland ee bilaa sharciga ugu nool dalka Ingiriiska, intooda badan waxa ku sii daba nool dad kale oo ehelkooda ah kuwaas oo ay gudaha wadanka ugu soo diraan biil ay ku noolaadaan.

Liibaan Maaweel Shire

Weriyaha Shabakadda Somaliland Today

Hargeysa, Somaliland.

No comments: