Thursday, August 24, 2006

Madaxweyne Rayaale Iyo Wefdigiisa Oo Looga Diiday Safaaradda U.S.A Ee Britain Fiisayaashii Dalku Galka Iyo Cawil Oo Addis Ababa Ku Laabtay

Madaxweyne Rayaale Iyo Wefdigiisa Oo Looga Diiday Safaaradda U.S.A Ee Britain Fiisayaashii Dalku Galka Iyo Cawil Oo Addis Ababa Ku Laabtay.


Hargeysa (Somaliland.Org)-- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo hadda la socda Wefdiga madaxweynaha ayaa maalintii arbacadii wuxuu dib ugu soo laabtay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Ethiopia, wararka Shabakadda Somaliland.Org ka helayso Wefdiga Madaxweynaha ayaa waxay tibaaxayaan in Fiisayaasha dal ku galka loo diiday Madaxweynaha iyo Wefdigiisa ka dib markii ay ka dalbadeen Safaaradda maraykanku ku leeyahay magaalada London, iyadoo Saraakiisha safaaraddu u sheegeen in Fiisadu u taallo magaalada Addis Ababa keliyana ay halkaasi ka qaadan karaan.

Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale ayaa la sheegaya inuu isagu arrintani dib ugu soo laabtay magaalada Addis ababa isagoo doonaya inuu u adeegsado safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa masuuliyiinta Xukuumadda Ethiopia, wararka ku dhaw dhaw Wefdiga Madaxweynaha ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale hore Passport-kiisa looga mamnuucay in lagu soo gallo dalka maraykanka isla markaana laga yaabo inuu isagu ka hadho Wefdiga Madaxweynaha ee laga yaabo inay u baqoolaan Magaalada Washington Dc oo ay kaga qayb gallayaan Shirka SOPRI.

Madaxweyne Rayaale oo ay wehelinayaan Marwadiisa Huda Barkhad Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Boosaha Isgaadhsiinta Casayr ayaa la sheegaya inay hadda iyagu ku suganyahiin magaalada Franfurt ee dalka Jarmalka halkaasi oo la sheegayo inuu Madaxweynahu kulano la leeyahay Shariikado kuwa Sibidhka soo saaro ah oo la filaayo inuu heshiisyo la saxeexan doono, isla markaana wuxuu madaxweynahu ku booqan doona Cisbitaalka dhakhtarkiisii Ilkaha.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Somaliland.Org, Hargeisa
diridhaba@gmail.com

No comments: