Friday, August 18, 2006

Dood Ku Saabsan Doorashadda G/Guurtida Oo Ay Fooda Isku Dareen Asxaabta Qaranku.

Hargeysa (Sooyaal)- Dood ku saabsan habka loo dooranayo xubnaha cusub ee Golaha Guurtida oo ay foodda isku dareen saddexda xisbi siyaasadeed ee KULMIYE, UCID iyo UDUB, wakiillo ka socda beelaha laga tirada badan yahay iyo bulshada haweenka, ayaa shalay lagu qabtay hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Dooddan lagu falanqaynayo sida ugu suurtogalsan ee lagu dooran karayo xubnaha Golaha Guurtida, isla markaana lagaga gudbi karo khilaafka ka dhashay muddo-kordhinta Guurtida, oo ay soo diyaariyeen Guddi-hoosaadka Shuruucda u qaabilsan Golaha Wakiillada, oo muddo saddex maalmood ah socon doonta, waxa kale oo ka-qaybgaleyaashu fikradahooda ka dhiibteen sidii tiro cayiman loogu qoondayn lahaa beelaha laga tirada badan yahay iyo haweenka, maadaama aanay ku soo bixi karayn doorasho si toos ah codka loo dhiibto.

Doodda xeerka doorashada Guurtida inkasta oo asxaabta siyaasaddu ku kala aragti duwanaayeen ansaxnimada muddo-kordhinta Golaha Guurtida, haddana waxay ka midaysnaayeen in saamiyo gooni ah loo cayimo haweenka iyo beelaha la hayb-sooco.
Mahad Ayaanle Shire, oo ku hadlayey afka beelaha laga tirada badan yahay, ayaa sheegay in muddo shan boqol oo sannadood ah la takoorayey, taasina ay keentay in gabdhahoodu ku guur beelaan.

Mr. Mahad, waxa uu qiray in dhibaato laxaad leh loo geystay dadka ku abtirsada ururka SNM, oo Soomaali oo dhammi isugu tagtay. Hase yeeshee, ay saamaxeen markii Somaliland xorowday, taasina ay keentay in ay talada u dhiibaan beelihii ka soo horjeeday. Isaga oo arrintaa faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; "Waar dadkii aanu isku dhufayska ahayn waa Madaxweyneyaal. Markaa waxaan leeyahay; waar annagana na saamaxa, illeyn dadkaa la mid baanu nahaye."

Mahad Ayaanle, waxa uu sheegay in laga qadiyey saami-qaybsiga kuraasta goleyaasha dawladda, taas oo ku macneeyey quudhsi cad oo lagu xaqirayo xaqa ay beeshiisu u leedahay ka-qaybgalka siyaasadda iyo hoggaanka dalka. Isaga oo xusay in aanay tiro ahaan beeshu yarayn, balse ay ku filiqsan yihiin dhammaan lixda gobo lee Somaliland. Sidaa darteedna, aanay u dan ahayn qaabka heer gobol ee lagu saleeyey doorashooyinka. Sidaa awgeed, ay u baahan yihiin in saami go'an laga siiyo kuraasta Baarlamanka [Guurtida iyo Wakiillada].

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Mr. Maxamed Ismaaciil Bullaale, ayaa sheegay in aanay habboonayn in wax dood ah laga yeesho arrinka Guurtida, maadaama loo kordhiyey muddada, "Balse," ayuu yidhi; "waa in la dhammaystiro xeerkii lagu dooran lahaa, lana caddeeyo; doorasho dadban iyo mid toos ah ta la isku raacayo ee loo waajahayo Golaha Guurtida."

Mr. Bullaale, waxa uu xusay in Golaha Wakiillada laga sugayo sharcigii, welina aanay soo dhammaystirin. Hase yeeshee, waxa uu Xoghayaha Guud ee UDUB qiray in madmadow ku jiro cidda leh awoodda kordhinta Guurtida, marka waqtigoodu dhammaado.

Maxamed Ismaaciil Bullaale, waxa kale oo uu tilmaamay sida loogu baahan in xeer loo sameeyo dadka laga tirada badan yahay. "Waxaan kaga baxayaa, shirkani maaha mid u baahan in halkan lagaga doodo," ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tilmaamay in Golaha Guurtidu ay ka awood badan yihiin Wakiillada, taas oo uu ku sheegay in aanay habboonayn gole shacab soo doortay in ay ka awood bataan kuwo marba muddada loo kordhiyo, kalsooni ummadeedna aan haysan.

"Anigu [Siilaanyo] waxaan qabaa in si toos ah loo soo doorto, isla markaana lagu beego doorashada degaannada ee soo socota," ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Isaga oo muujiyey in muddada ka hadhay doorashadaasna aanay habboonayn in ay bannaanaato fursadan, sidaa daraadeed muddo kooban loo kordhiyo Guurtida.

Guddoomiyaha KULMIYE, waxa kale oo uu taageeray fikradda uu soo jeediyey ninkii u hadlay beelaha tirada yar, isaga oo sheegay in mudnaanta la siiyo haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay. "Dumarka iyo beeshaas anigu tiro go'an hadda ma siin karo, laakiin waa in mudnaan iyo tixgelin la siiyo. Waayo, waa sida dimoqraadiyaddu ku ansaxayso," ayuu yidhi Siilaanyo.

Afhayeenka xisbiga UCID, Mr. Xasan Xuseen, ayaa deedafeeyey wax muddo-kordhin ah in loo sameeyo Golaha Guurtida, isla markaana doorashadoodu noqoto mid toos ah, lana mid ah tii Wakiillada.

Afhayeenka UCID, waxa uu soo jeediyey in shuruudaha la adkeeyo, lana kordhiyo da'da, aqoonta iyo dhaqanka intaba. "Waxa la jebiyey xeerkii u yaallay ee da'da qofku Guurti ku noqon karayo, waa in dib loogu noqdaa qodobkaa iyo aqoontaba."

Xasan Xuseen, oo ka hadlayey sida ay la tahay in loo xaqsiin karo dadka la takooro, waxa uu sheegay in ay habboon tahay in saddexda xisbi kuraasi u gaar ah beelaha ku tartansiiyaan isla xubno ka soo jeeda, loona codeeyo oo xisbiga musharaxoodu cod bataa kursiga ku guulaysto.

Wariye Maxamed Axmed Jamac (Caloolay)

Sooyaal.com Hargeysa somaliland

No comments: