Friday, August 18, 2006

Madaxweyne Soo-Dhaweyn Diiran–Farbaa Se Taagan !!!

Salaan wacan oo diiran dhammaan akhristayaashii inta badan ila soo xidhiidhay. Waxaan muddo la aamusay bal inaan eego in qoraalku raadreeb leeyahay, iyo inaan fursad siiyo saxiibaday oo mucaarid iyo muxaafidba ku soo baxay golaha wakiilada inta ay sal dhigayaan oo ay higaadda doodda iyo duurxulka siyaasadda ay laasimayaan.

Waxaan leeyahay akhristayaashii isdaba jooga iila soo xidhiidhay, idinkaa I soo kiciyey, ee weli mey gaadhan meeshan rabay inaan ka soo noqdo. Qalinku ma gudhin, fikradakuhuna inta nolali jirto dhammaad ma leh, tilmaan iyo waxsheegna aadmibaa loo yahay.

Intii aan hawada ka maqnaa, waxa iga lumay emailoo dhowr ah, waxa aan ka xusuustaa guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Debedda ee Golaha Wakiilada, iyo wiil uu dhalay Cumar Xuseen oo igala soo xidhiidhay jaamacadda Hargeysa.

Waxa aan soo wadaa qoraalo xidhiidh ah oo iftiiminaaya daraasad aan ku soo sameeyey dimuquraadiyada iyo siday ku soo gaadhay hab dhaqanka manta lagu yaqaano, anigoo kol walba ku asteynaaya halka ay Somaliland marayso, oo ka dhiganaaya birtilmaameed (benchmark). Maanta se bal Madxaweynaha oo socdaal sanqadh yar qurbaha ku soo gaadhay aan ku soo dhoweeyo ereyo diiran oo ay weheliyaan su’aalo meel walba leysku weydiiyo, una hawl yar jawaabahoodu, hadday la noqoto inuu inaga jaahil bixo.

Horta soo dhoweyn diiran iyo salaan kalgacal wefdigu ha naga guddomo.Waxaan hubaa in calan iyo caleenba UK lagu soo dhoweyn doono. Waxaan ka codsanayaa USA inay ka ilaaliyaan koob iyo keg (Cup and cake). Waxaan rabay inaan dhinaaca USA u boqoolo, waxay se u muuqataa mid duruufuhu ii saamaxayn.

Socdaalada Madaxweynaha oo soo kordhaaya weliba kuwa jaaliyadahu fidiyaan, ayaa saaxiibkay oo muxaafid xag jira ahi, ku sifeeyey inay la mid yihiin sidii sayid Cumar gurigii laga casuumaba geli jiray, waxa se leys weydiin karaa Madaxweynahu waqti firaaqihiisu badanaa, waxaan jeclaan lahaa in Madaxweynahu sifaha cadaaladda ka qaato Sayid Cumar, horta dadow maxaa Sheekh Axmed Yuusuf socodka u diiday?. Malaha saaxiibkay Qamariye oo qurbaha soo nacay leyguna yidhi sheekha kama ag dheera, ayaa gaalo iyo camalkeed ku qarqiyey.
Su’aalo kooban oo iftiimintoodu waxtar inoo tahay dhammaan mucaarid iyo muxaafidba?

1- Guddiyada aad hawl gaar ah u saarto (Pubilc Commission), maxaa loo maqli waayaa waxa ay go’aamiyaan. Sidaad ugu dhawaaqday weli dhegtaa ina taagan. Waxa ka mis ah:

  • Guddi aad u saartay 2 nin oo bolisku Hargeysa ku dilay January 2005.
    Guddi loo saaray dhacdadii cisbitaalka.
    Guddi loo saaray arrintii dhulka ee ka dhacday Dumbuluq
    Guddi loo saaray arrintii argagixisada jeelka ka baxsatay.
    Guddi loo saaray dulmiga wadaniyadda loogu diiday shaqada Care International.
    Guddi loo saaray dhacdadii galaafatay Wasiirkii Gudaha iyo Taliyahii Boliska.

Waa intaan xusuustay, ee liisku aad iyo aad ayuu u dheer yahay.

Maxaa kuu diidan inaad heshiisyada ganacsi, dhaqaale, siyaasadeed aad horgeyso golaha wakiilada, sida uu qabo distoorku.Sharciga 19 eed ku ansixisay kordhintii muddada ee Golaha Guurtisa, miyaad il duuftay kolkaad gees martay. Hadduu qalad dhacay, maxaa kuu diidan inaad qirato ood dib u sax ula noqoto.

Wasiirada ansixintooda Golha Wakiiladu kugu soo celiyey, maxaad u heysataa. Waa fursad aad ka faa’iideynsan karto, oo rag kale ku bedeli karto.Waxyeelo ha u arkin,
Xisaabiyaha Guud waa sharci inuu xisaab xidh sameeyo sanad walba, maxaad uga bedeli weyday, haduu hawsha keliya ee loo magacaabay inu sanado samaynin.

Madaxweyne, dawladdan aad dhistay ma tii ilaa 2004kii kolkaad UK soo gaadhay aad lahayd dawlad tayo le ayaan dhisayaa miyaa, mise weli wey soo socotaa? Oo anagaa degdegsan.
Dal dimuquraadi ah mushaharka madaxdiisu qarsoodi ma aha, xataa kuwa Afrikada madow.

Mushahar waa inta qofku qaato een xisaab celin looga baahnayn, waxii kale ee madaxi qaadato lana xidhiidha xafiiska uu hayo, waxa looga baahan yahay xisaab celin. Haddaba adigoo arrintan dhaxlay oon dhibteeda bilaabin, waxa xaq dadweynahu u leeyhay inay ogaadaan mushaharkaaga iyo kan ku xigeenkaaga, sida ay u ogyihiin wasiirada, iyo barlamaankaba.
Ogow waxaa mushaharkaaga bixiya islaanta caanaha iibisa, iyo xamaalka aan weligii qoraxdu hordu ugu soo bixin, iyo beeraleyda safantu lugaha goysay. Iyaagaad shaqaale u tahay, xisaab-celinna xaq u leh.Adeerkay Cawil, waxuu yidhi Madaxweynha, waxaan odhan lahaa ha loo kordhiyo mushaharka. Horta bal ha loo kordhiyee imisuu qaataa?

Dhinaca shirweynaha Maraykan, waxa wefdiga ka mid ah Wasiirka Cusub ee Arrimaha Debedda, Cabdillaahi Ducaale shirkii horena ka qayb galay. Cabdilaahi laguma xanto maal uruursi, waxa se loo arkaa in jacaylka uu kursiga u qabaa ka dhigay nin ilaalintiisa wax badan ku waayey. Maanta se mansabka uu hayaa waa mid ah muraayadda laga daawanaayo Somaliland, waa inuu noqdaa nin ka faa’ideysta dhalilihii iyo tilmaamihii badnaa ee loo soo jeediyey. Reer Maraykana ha siiyaan doorkan fursad uu taas ku muujiyo.

Waxa jira dadlka dimuquraadiga ah in raga caanka ku ah warbaahintu, yihiin kuwa soo saara siyaasiinta hogaamiyayaal noqon kara. Waxaana dal waliba leeyahay qaar siyaasiga jelicsani hor iman Karin, kii rabaa inuu dal hogaamiyaan anu ka werwereegi Karin.Waxa jira dalkan UK in siyaasiga raba inuu madasha halka hore fadhiistaa, waxuu soo qabilaa dhinaca idaacadda Weriyaha loo yaqaan John Humphreys, dhinaca TVgana Jermy Paxman.

Haddaba wefdiga Madaxweynaha, ha ugu horeeyo isaguye, waxa looga fadhiyaa iyagoo tegaaya Maraykan, inay qaabilaan Saxafiga Aqoonyahan Cali Muxumad ( Cali Marshaal) iyo Radio Waaberi. Taas oo ay yeelaan waxay muujin doontaa sida ay dimuquraadiyada ku salaysan la-xisaabtanka, dhaliisha, iyo xoriyatal qowlka ay ugu hogaansan yihiin. Miisaanka ha saaraan, inay joogaan dal fikradda iyo hadalku mubaax yahay, siyaasiguna yahay shaqaalaha dadweynaha, oo ka baqa rayiga dadweynaha.

Waxa ammaan gaar ah mudan sida labada hogaamiye ee mucaaradku, ay ugu heelan yihiin inay mar walba qaabilaan warbaahiyaasha dalka gudihiisa iyo debeddaba, iyo sida mar walba ay debedda u dhowraan sumcadda guud ee dalka, iyagoo wax badan dhaliisha dawladda daboola oo kor xaadhiya. Cabdillaahi Ducaalena, waxa looga fadhiyaa inuu sidii Edna u ixtiraamo wrbaahinta dalka iyo debedeba. How edeegsado Horyaal iyo Waaberi siduu sumcadda Somaliland ugu baahin lahaa.

Waa idaacahada qudha ee muwaadinka dalka iyo qurbahaba gaadhsiiya warka oo dhan mid mucaarid iyo mid muxaafidba.Rayiga oo lagu kale duwanaadaa ma aha cudur, waa daawada dawladnimo, waana midda dhalisa dunta isku keyn xidha. Waxa aynu wadaagnaa, ma aha wax fikradaha oo lagu kala jabaa dumin karaan, waa marka aynu qadarino qof walba rayigiisa, sharciga u sinaano, dhibta iyo dheeftana cadaalad aynu ku qaybsano.
Waxaan u rajaynayaa shirka Maraykan iyo Somalilandba guul.

Ahmed Arwo

Ahmed_arwo@yahoo.co.uk

No comments: