Saturday, August 26, 2006

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo Ayaa Sheegay Inaanu Ka Qayb Galaynin Shirka SOPRI Ee Lagu Qabanaayo Washington Dc 08-10 Sept

Hargeysa (Somaliland.org) - Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in aanu ka qaybgelayn shirka lagu qabanayo Washington DC, 8-10ka bisha September, kaas oo lagu martiqaaday.

Shirkaas oo uu qabanqaabiyey machad lagu magacaabo Somaliland Policy and Reconstruction Institute (SOPRI) oo saldhigiisu yahay dalka Maraykanka, waxa lagu martiqaaday hoggaamiyayaasha siyaasadda Somaliland, sida xisbiyada, xukuumadda iyo Baarlamaanka, aqoonyahanno reer Somaliland ah, waxgarad iyo weliba aqoonyahanno iyo diblomaasiyiin ajnebi ah oo danneeya arrimaha Somaliland. Waana shirweynihii labaad ee noociisa ah ee ururkaasi qabto.


Guddoomiyaha, mudane Axmed Siilaanyo oo u waramay Somaliland.org waxa uu yidhi,
"Shirkaa martiqaadkiisa muddoba waan la socdey, laakiin, nasiibdarro iima suuragelayso inaan ka qaybgalo shirkaa inkasta oo aan jecelaan lahaa".


Hase yeeshee, Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in uu shirkaa ka qaybgalayo wefti ka kooban xubnaha sarsare ee xisbiga. Waxana uu u rajeeyey shirkaasi inuu noqdo mid guuleysta, isaga oo sheegay inuu yahay shirkaasi mid dadka iyo dalkaba wax u taraya, ummad badanina ay isugu imanayso.


Guddoomiye Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay in cudurdaarkiisa uu u gudbiyey Guddida SOPRI ee shirka qabanqaabinaysa, ayna ka aqbaleen.


Madaxweyne Riyaale oo hadda socdaal ku maraya dalal ka tirsan Yurub ayaa sheegay inuu u gudbayo Dalka Maraykanka si uu uga qaybgalo shirkaas 08 ilaa 10 Sept.


Somaliland.Org News Desk

No comments: