Monday, August 07, 2006

Madaxweyne Riyaale Oo Isku Shaandhayn Iyo Wax Ka Bedel Ku Sameeyay Xukuumadiisa

Hargeysa, August 06, 2006 (Somaliland Today)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta isku shaandhayn iyo wax ka bedel ku sameeyay golaha xukuumadiisa.Waxaana sidaa lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale,kaas oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan:
"Madaxweynaha SomalilandDaahir Riyaale Kaahin oo maanta soo saaray xeerar magacaabis,xil ka qaadis iyo bedelaad waxay kala yihiin:

Wasiirada La Magacaabay:

1- Liibaan Ducaale Caseyr, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta. 2- Cali Ibraahim Maxamed, Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Xidhiidhka hay'adaha Caalamiga ah. 3- Maxamed Sleebaan Maxamed, wasiirka wasaaradda warshadaha oo markii hore ka tirsanayd wasaarada ganacsiga oo sidii hore lagu soo celiyey markii madax-weynuhu arkay in dalku baahi u qabo in uu yeesho warshado, isla markaa ahmiyad gaar ah la siiyo warshadaha sidaa awgeed uu isku qanciyey in loo kala qaybiyo warshadaha iyo ganacsiga sidii markii hore ay ahaayeen. 4- Cali maxamed Waran-cadde, Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirka. 5- C/laahi Ismaaciil Cali "Ciro", Wasiirka Arrimaha Gudaha. 6- Abshir Axmed Xuseen Wasiirka Dib u Dejinta.

Wasiirada Wasaarado Kale Loo Bedelay:

1-C/laahi Maxamed Ducaale oo ahaa wasiirka warfaafinta waxa loo bedelay wasiirka Arrimaha Dibada. 2-Axmed Xaaji Daahir oo ahaa wasiirka qorshaynta Qaranka waxa loo bedelay wasaarada Warfaafinta. 3-Nuur Amiin Ismaaciil oo ahaa wasiirka duulista waxa loo bedelay wasaarada Madaxtooyada. 4-Aadan Maxamed mire "Waqaf" oo ahaa wasiiru-dawlaha daakhiliga waxa loo bedelay wasaarada Gaashaandhiga. 5-C/laahi Xuseen Iimaan "darawal" oo ahaa wasiirka Dib u Dejinta waxa loo bedelay wasaarada Caafimaadka. 6- Cismaan Qaasim Qodax oo ahaa wasiirka Caafimaadka & Shaqada waxa loo bedelay wasaarada Ganacsiga.

Magacaabis Wasiiru Dawlaha Arimaha gudaha:

1-Aw Aadan Cawed Seed Wasiiru-dawlaha arimaha gudaha.

Wasiirada Xilka Laga qaaday:

1-Edna Aadan Ismaaciil.2-xasan Cabdi Khayre.3-Nuux Axmed Cismaan oo ahaa wasiirkii Madaxtooyada waxa loo magacaabay la taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada. 4-Jaamac Gaas Mucaawiye oo ahaa wasiirka gaashaandhiga waxa loo magacaabay la Taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Nabad Gelyada.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu Axmed Maxamuud Aadan "Qaybe" u magacaabay la taliyaha Madaxweynaha ee arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiiru Dawlayaasha Xilka Laga Qaaday:

1-C/laahi Ismaaciil Bidhaan. 2-Yaasiin Maxamed Xiir "Faratoon"
Wasiir Ku Xigeenada Xilka Laga Qaaday & Laba La Magacaabay:
1-Maxamed Cali Yuusuf "Maydhax"2-C/raxmaan Yuusuf Ismaaciil. 3-Axmed Jaamac Samater "Who"4-Cali Axmed Cabdi "Cali Cartan"5-Ibraahim Carab Ceelaabe. 6-Aadan Jaamac Hoori waxa loo magacaabay wasiir ku xigeenka Xanaanada xoolaha . 7-Axmed Maxamed Filanwaa wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga.

Xil Ka Qaadista Agaasimayaasha Guud:

1-Cabdi Aadan Nuur agaasimihii guud Hore ee arimaha dibada. 2-C/raxamaan Xuseen Jaamac Agaasimihii Guud ee Hawlaha Guud. 3-Axmed Cabdi Jaamac Agaasimihii guud ee Caafimaadka. 4-C/raxmaan Maxamed Maal Agaasihii Guud ee Beeraha. 5-Ibraahim Sh Muuse Barkhad Agaasimihii Guud ee Waxbarashada.

Agaasimyaasha Guud Ee La Magacaabay:

1-Anwar C/raxmaan Warsame waxa loo magacaabay Agaasimaha guud ee Caafimaadka. 2-C/qaadir Jibriil Tukaale waxa loo magacaabay agaasimaha guud ee Beeraha. 3-Eng. Axmed Ibraahim Suldaan waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Macdanta iyo Biyaha. 4-Maxamed Cabdi Diiriye waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Dib u Dejinta. 5-Maxamuud Xuseen Muuse "Oday" waxa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee qorshaynta Qaranka.

Agaasimayaasha Wasaarado Kale Loo Bedelay:

1-C/laahi Cumar Guuleed waxa loo bedelay Agaasimaha Guud ee Hawlaha guud.2-Eng. Cali Cabdi Odowaa oo ahaa agaasimaha Guud ee Macdanta iyo Biyaha waxa loo bedelay Waxbarashada.3-Cawil Maxamed Faarax oo ahaa Agaasimaha Guud ee qorshaynta waxa loo bedelay arimaha dibada.Madaxweynuhu waxa kale oo uu magacaabay gudoomiyaha Maxkamada Sare oo uu u magacaabay Dr. maxamed Xirsi Ismaaciil "Oomane" oo isla maanta Madaxweynuhu ansixintiisa u gudbiyay Shirgudoonada golayaasha Guurtida & Wakiilada sida Dastuurka qaranku Xaqa u siinayo.

Waxa kale oo Madaxweynuhu Magacaabay

1-Maxamed Saqadhi Dubad waxa uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland.2-Cali Xuseen Maxamuud "Cali Asad" waxa uu u magacaabay Gudoomiyaha gobolka Hargeysa.3-Axmed Xaashi Cabdi waxa loo magacaabay Maareeyaha wakaalada Biyaha ee Hargeysa."

Liibaan Maaweel Shire
Weriyaha Shabakadda Somalilandtoday,

Hargeysa, Somaliland.

No comments: